XISBIGA WADANI SIYAASADA GURACAN EE QABIILKA KU DHISAN HAKA DAAYO BULSHADA

Waxaa waqtiyadan dambe ku soo badanayey warbaahinta warar ku saabsan siyaasadaha guracan ee  xisbiga WADANI  isagaoo shirar ugu samaynaya beelaha Somaliand wada dega.
Axsaabta waxaynu u samaysanay inaynu beelaha kaga baxno balse haddi axsaabtu beelihi dib inoogu celiso waa ayaan daro kusoo kordhaysa qaranka iyo bulshada Somaliand.
shirar kasoo bilaabmay dalka dibadiisa oo beelaysan ayaa guddihii la keenay shirarkaasi waa isku dhufasho bulshada kala afkaarta duwan xisbiga  WADANI  tiroba 4 shir oo lagu magacaabay in lagu heshiisiinayo 2ba belood oo walaalo ah oo wax dhib ah oo ka dhex jira aanu jirin waa H/J iyo H/Y balse WADANI dhib ka dhex abuurayo qalalaase iyo kala qaybin taasoo maanta BURCO  ama se gobolka togdheer kaga daratay xanuunkii shuban biyoodka.
waan ka xumahay kaadiriinta WADANI in farsamooyinka la dhex yimadan bulshada kaadiriinta WADANI maaha dad u carbisan hogaamin siyaasadeed waxaad maqlaysa meel heblaayo shir reereed baa laga abaabulaya waxaa maalgalintiisa wada WADANI.
waxaan ka codsanlaha bulshada inay ka digtoonaadan siyaasadaha guracan ee iyaga laysku nacsiinayo iyadoo arimo kale xisbiga WADANI ka leeyahay oo ka kow tahay in cududooda la furfuro oo dilaalin iyo milaalin loo soo diro si tafaraaruq iyo kala fogaansho looga dhex abuuro.
Xisbiga UCID guddmiyahoodu Inj Faisal waa siyaasi ku dayasho mudan wuxuu mar walba ku amaanan yahay qaranimada inu ka horaysiiyo tiisa gaarka ah
Xisbiga KULMIYE waxaa ku badan indheer garad ku xeeldheer hogaaminta siyaasadeed.

Aad baan idiin salamaya
Shaxaari Walad Shaxaari

Advertisement

Ku Xayeysiiso