MURASHAXIINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA 2017:KEEBAA WAX KA QABAN KARA TABASHOOYINKA BEELAHA DARAFYADA? WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

Horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadu hadaanu dadka wada gaadhsiisanayn (economic inequality),waxa uu noqdaa horumar aan dhamaystirnayn,midhihiisuna kooban yihiin.

Hadaba,Somaliland in badan ayaynu maqlaynay tabashooyinka ka soo yeedhaya galbeedka iyo beriga dalka,iyagoo ka cabanaya saami qaybsiga mansabyada dawlada iyo waliba saamiga ay ka helaan mashaariicaha horumarineed. Sidaa daraadeed,wax mudan in la iswaydiiyo raga u tartmamaya talada dalka keebaa si dhab ah wax ooga qaban kara tabashooyinka darafyada Somaliland.

Marka aan qiimeeyay saddexda murashaxa waxa ii soo baxday in Murashax Kulmiye Muse Biixi Cabdi uu yahay murashax qudha ee si dhab ah xal ooga gaadhi kara tabashooyinkaa,waayo,waa nin ku dhac leh,sixi karana meelaha beesha dhexe ay sad bursiga ku qaadaty,haday mashruuc tahay iyo haday  mansab tahayba.

Dhinaca kale,Murashaxa xisbiga Wadani,Cabdiraxman Cirro,waxa marag ma doon ah in qaabka imika beeshiisu iskugu xeertay talada xisbiga Wadani,ay  beeshiisu iskugu koobi doonto talada iyo dhaqaalaha dalkaba,iskaa daa  beelaha darafyada ee waxa  wax  weeyi doona in badan oo beesha dhex ka tirsan,waayo Cirro ma laha ku dhac iyo qo’aan qaadasho uu ku horistaago jifadiisa hoose iyo guud ahaan sadbursiga  beesha dhexe.

WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso