LOOLANKA AWOODDA EE KULMIYE IYO WADDANI W/Q : Cabdinaasir Axmed Abraham

Cabdinaasir Axmed Abraham :” Mahad waxa leh Rabbiga i barbaariyay.”
Marka sida kuweenna oo kale axsaabta aan aragti iyo mabaa’dii midna lagu xulan, way kakan tahay in odoros male-awaal ah lagu sameeyo hannaanka kobocooda ama hoos-u-dhacooda. Isku-dheeli-tirnaanta axsaabta Qaranku waxa ay ummadda ka badbaadinaysaa “Allaa I badayda” Way wanaagsan tahay in ay shacabku kala doortaan, xisbiyo la kala dooran karo, waxa aan uga jeedaa awood ahaan isku dhow.
Waxa aan qabaa in aan Xisbiga Kulmiye ee hoggaanka dalka hayaa aanu wali la kulmin xisbi mucaarid saameyn leh. Taana waxa ka dhashay in aanay cidna waxba iskaga tirin dawladdu.
Xisbiga Ucid wuxu noqday hanti-qofeed oo dharaarba rabitaan gaar ah ayaa lagu jaan-gooyaa jahada uu u socdo.
Waddani hoggaankiisa iyo Musharraxiisu wuxu la daala-dhacayaa is-waafajinta mucaaridnimo iyo muxaafidno oo wali dhanna iskugu ma lago-duwan. Intaasi ba iyaga oo jira ayaa haddana waxa aad mooddaa in xilliyadii dambe Xisbiga Waddani dhaqdhaqaaqyo uu sameeyay ay kor-u-kac kooban keeneen.
Dhinaca awoodda hoggaanka marka laga qiimeynayo hoos u dhaca waxa loo qaybiyaa laba kale ah: 
1. ABSOLUTE DECLINE: Oo ah marka hoos-u-dhac toos ah ku yimaaddo machad hoggaanka awoodda hayay, kaas oo dhinacyo kala geddisan ka iman kara. Hasa yeeshee, marka la soo koobo lagu sheegi karo uun in uu jiheeyuhu ka khalkhalay oo geeddi-socodkii jidka guushu uu ka gedmaday. Sidaana uu ku bilaabmay hoos-u-quluulad hagaag ah. 
2. RELATIVE DECLINE: Oo ah marka machad kale oo kan awoodda hoggaanka haysa ay awoodda ku loolamaan horumar sameeyo. Sida hadda muuqata ee Xisbiga Waddani aad horumarka kooban uga dareemi karto.
Marka sidan oo kale dhacdo “dunida siyaasadda” waxa la adeegsadaa xeer odhanaya. Si machadka kale aanu horumarka u haleelin waa in la suul-daaraa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso