Gudaha Ka Eeg : 400-Qoys Oo Deeq Raashin Ah La Gaadhsiiyay .

Afar boqol oo qoys kana mida dadkii ku tabaaloobay abaarihii saameeyay gobolada Somaliland qaarkood ayaa shalay lagu gudoonsiiyey Degmadda Salaxley Deeq Raashin ah.

Deeqda raashinkan oo qayb ka ah taakullo Ganacsade Maxamamed Yuusuf Cali soo bixiyey uguna tala galay in la gaadhsiiyo bulashadii abaaruhu saameeyeen .

Waxaa munaasibadii lagu wareejinayay goob joog ka ahaa maamulka,odaayaasha iyo masuuliyiin kalle ee  Deegaanka ka mida.

Ugu horayn waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gudidda Qaybinta Taakuladda Maxamed Yuusuf Axmed Cabdiqaadir isago ugu mahad naqay maamulka sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen degaanka isla markaana ugala qayb qaateen in Deeqada la gaadhsiiyo dadkii mudnaa.

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Salaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen(Shiine) oo isaguna madasha ka hadlay wuxu mahad naq iyo ducaba u jeediyey ganacsade Maxamed Yuusuf oo isagu gartay inuu xiligan adag bulashadiisa iyo ummadda walaalihii ah caawimadan u keeno dhibtana la wadaago’

” maaha markii ugu horeysay ee Maxamed Yuusuf degaanka keeno mucaawimo wuu mahadsan yahay waanu ka gudoonay raashinka 400 qoys waanun u ducaynaynaa anagoo ka wakiil ah dawladda iyo shacabka halkan ku dhanqan’’ ayuu yidhi maayar Ismaaciil.

Waxa kale oo Maayarku u mahad naqay hawl wadeenada deeqdan soo gaadhsiiyey Degmadda Salaxley. Qaybinta Deeqda Degmadda Salaxley ayaa noqonaysa maalintii labaad ee Gudidda hawshan u xil saarani ay raashin qaybin ka sameeyaan Degaamadda abaartu saamaysay.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso