Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Oo Tababar ku Saabsan Ka Hortaga Dabka Iyo Qaabka Loo Isticmaalo Dab-demiyaasha U Furay Shirkadda Laydhka Sompower.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska  ayaa  Tababar ku saabsan ka hortaga dabka iyo qaabka loo isticmaalo dabdemiyaasha oo hal maalin qaatay  u furay Shirkadda Laydhka Sompower, Tababarkan ayaa ahaa Tababar Bilow ah [ Basic Fire Training ], waxaana halkaa ka soo qayb galay xubno ka mida shaqaalaha Shirkadda Laydhka Sompower kuwaasoo ka badnaa ilaa 20 Xubnood, Sidoo kale iyaguna waxaa tababarkaa qayb ka ahaa Xubno ka mida maamulka shirkada Sompower.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa Cashar saacado qaatay siiyay xubnahaha tababarka qaadanayay kuwaasi oo ahaa casharo Qoraala iyo Casharo Toos ah [ Practical and THeory] waxaana uu sharax badan ka bixiyay sida looga hortago dabka marka uu qofku la kulmo iyadoo loo kala horaysiinayo sida uu u kala horeeyo isla markaaana ay muhiim tahay in marka dab lala kulmo marka u horaysaba hadii Dad ku jiraan marka hore dadka la soo badbaadiyo wixii intaa ka dambeeyana laysku dayo sidiil oo bakhtiin lahaa dabka.

Dhanka kale waxaa uu Taliyuhu sharax badan ka bixiyay qaabka loo isticmaalo Dab-demiyaasha ku haboon dabka loona isticmaalo nooc kasta oo dab ah, waxaana halkaa la keenay qalabka kala duwan ee dabka lagu bakhtiiyo noocyadiisa kala duwan, iyadoo Xubnihii Tababarkaa qaadanyay ay si toosa u arkeen qaabka looga hortago dabka iyo sida ugu haboon ee loo isticmaalo dab-demiyaasha.

Ugu Dambayn Xubno ka mida shaqaalaha Tababarka qaatay ayaa halkaasi suaalo ku waydiiyay tababarka ay qaadanayeen waxaanay sidoo kale u mahadnaqeen Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Sawaaxili Iyo Maamulka Ciidanka Dab-demiska ee tababarkan u fidiyay waxaanay ballanqaadeen inay ka faadiayn doonaan gaar ahaan ay shaqadooda uga faadidaysan doonaan iyadoo ay jiraan khataro badan oo dhinaca laydhka ah isla markaana loo baahanayahay in hadii dab dhaco loo yeesho aqoonteeda iyo wixi lagaga hortagi lahaaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso