Gudaha Ka Eeg :Guddida Talo-Same Oo Deeq Raashin Gaadhsiiyay 200 Qoys .

Guddida horumarinta Beelaha Toljecle ee TALO-SAME, ayaa Mucaawimo raashin ah gaadhsiiyey in ka badan laba Boqol (200) qoys oo ku dhaqan Deegaanka Gogol-wanaag ee Degmada Arabsiyo.

Mucaawimadan oo ka koobnayd cuntooyinka Daruurigaa oo isugu jirta Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir, waxa ku wareejiyey dadka loogu talo-galay Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Talosame Axmed Aw-xuseen Furre oo ay weheliyaan Sh. Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf iyo Eng. Axmed-nuur Xasan oo kamida Guddidaas.

Xubno kamida hormuudka Bulshada Deegaanka oo ka hadlay munaasibada wareejinta Mucaawimada, ayaa si weyn uga mahad celiyey Taakulada la soo gaadhsiiyey dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee jiidaas ku dhaqan iyo kuwa danlayda ah ee ay sanadkii hore raadka kaga tagtay abaartu.

Xubnaha u hadlay Dadka deegaanku waxa ay u duceeyeen Guddida iyo cid kasta oo gacan ka gaystay qaadhaanka lagu soo iibiyey Mucaawimadan, waxaanay alle uga baryeen inuu Miisaanka Xasanaadka ugu darro gurmadka ay u fidiyeen dadkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Axmed Aw-xuseen Furre iyo Sh. Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Guddidu tan iyo bilowgii sanadkan dedaal ugu jireen sidii loo  Samato-bixin lahaa  Bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee Deegaamada Beeshu degto.

Waxa intaas ku dareen inaanay noqon doonin mucaawimaddii u dambeysay ee ay deegaanka soo gaadhsiiyaan, balse ay Deegaankan iyo kuwa kale ee Beeshu degtaba kala shaqeyn doonaan dhinacyada horumarka iyo taakulaynta dadka jilicsan.

Xubnaha Guddidu waxay sheegeen inay mustaqbalka soo socda Mashaariic horumarineed ka fulin doonaan Deegaamadaas, iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka dalka iyo dhismaha Kaabeyaasha Bulshooyinka Beeralayda ah iyo kuwa xoolo-dhaqatada ah.

Markii saddexaad ee ay Guddida Talo-same Mucaawimooyin noocan gaadhsiiso Deegaamada Gobolka Gabiley, waxaanay todobaadkii hore boqolaal Qoys Raashin ugu qaybiyeen Deegaanka Shabeelle oo ka tirsan Degmada Gabiley.

Sidoo kale horaantii bishan, ayey Deegaanka MATAAN oo isla Gobolka Gabiley ka tirsan gaadhsiiyeen Mucaawimo Raashin ah iyo Barmaamuj Dadka loogu qodayey Beeraha oo maal-gelin ah.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso