XIRSI IYO CABDIQADIR JIRDE KEE SAREEYA QAAB DHISMEEDKA XISBIGA WADDANI?

 

 

WQ:Maxamed Daahir Axmed

 

#Abdi Haybe oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga Waddani waxa uu ku sheegay warays uu dhawaan Hadhwanaag siiyay in Xirsi –hogaamiyaha waddani hoos tago Cabdiqaadir Jirde gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani.
#Tani waxa ay ka horimanaysaa amba burinaysaa doodii Xirsi dhalinyarada Bargia Burco ku beerlaxowsan jiray ee ahayd anigaa Cabiqadir jirde ka sareeya,murashaxa wakhti xaadirkan Cirro wixii ka danbeeyana xisbiga anaa ka murashax ah.
#Mise Mudane Cabdiraxman Cirro mid walba gaarkiisa ayuu ugu yidhi adaa xisbiga ugu sareeya,aniga dabadayna murashax ah,tan waxa u daliil ah hadal uu sheegay Mustafe Martin oo Maraykan dagan kaasi oo sheegay in Mudane Cirro laba nin oo qurbaha wada jooga iskuna magaala ah,in uu mid walba dhinaciisa ka magacaabo,kuna yidhaahdo adigaa halkan ii matala,sheekadaasi waxa ay ka taagan tahay magaalooyin badan oo Yurup iyo Waqooyiga America ah,sidaa darteed mar hadii nin kasta dhinaciisa dhabarka looga taabtay,wax la eegaaba waa isqabsigooga iyo garnaqooga.
WQ:Mohammed Dahir Ahmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso