Daawo: Madaxda Xisbiga Wadani oo Uu hogaaminaayo Cabdiraxmaan Ciro iyo Xirsi Oo Loo diiday in ay Xaflad ku qabsadaan Dubai Iyo Amniyaadka Dawlada Imaaraadka oo Ku War Galisay in ay Joojiyaan

Waxaa Caawa Ciidamada Amniyaadka ee Dubia Ay Ku War galiyeen in aan haba yaraatee Xisbiga Wadani wax xaflad ah ku qabsanayn Magaalada Dubia Caawa

Wafti uu Hogaaminaayo Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiyaha Xisbiga Md Xirsi Cali Ayaa Caawa U diyaar ahaa in ay Kula hadlaan Taageerayaashooda Xaflad ay soo Qaban qaabiyeen Taageerayaal Doonaayey in kulan balaadhan ay ugu qabtaan Madaxda Xisbigooda  Sidoo kalena Meel holl ah oo wayn u diyaariyey in xafladu ka dhacdo ayaa Ciidamada Amaanku Caawa 7 habeenimo ku war galiyeen in aanay Habayaraatee Wax xaflad ah aanay ku qabsanayn Huteelkan ay ku kulmayeen Dadkii Taageerayaasha ahaa ee Madaxda Xisbiga Wadani uga kala yimid meelo kala duwan .

Sidaasi waxaa noo Xaqiijiyey Goobjooge Ku sugnaa Goobta ay ciidamada amaanku ku joojinayeen xaflada xisbiga Wadani ku qabsan lahaa huteel ku yaala magaalada Dubia.

Ilaa hadda ayaan si rasmi ah loo ogayn cida ka dambaysay Joojinta Xafladan ay aadka ugu kharash garoobeen Taagerayaashii Wadani ee ku soo dhawayn lahaa Madaxdooda Waxaana dhawaan la filayaa in arintaas la ogaan doono cida ay gasho. Sida uu noo sheegay Goobjoogahaasi waxa uu sheegay in ay tuhuno jiraan ah in Safiirka Somaliland u fadhiya imaaraadku uu Ka dambeeyey Joojinta Xafladan. Lakiin Se waxaan  ilaa hadda aan la hayn Sababta dhabta ah ee ka dambaysay arintan iyo Marka Tuhunkaas laga tago cida Dhabta ah ee ka damabaysay Arintan.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso