Shir Ay Isgu Yimaadeen Xubnaha Kdq & Xubno Ka Socday “Donor Working Group”


Shir muhiim ah oo maanta oo Arbaca ah 24/05/2017 ka dhacay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kulankaas oo ku saabsanaa xog waran la xidhiidha qaabkii ay kaadh qaybinta codbixiyuhu uga dhacday Gobolada Awdal iyo Saaxil iyo Xeebha Gobolka Sanaag.

KDQ oo uu shirgudoominayay Gudoomiye ku xigeenka KDQ mudane Maxamuud Wacays ayaa war bixin hawshaas kaadh qaybinta iyo siday u qabsoontay ka siiyay kooxaha ka taageera KDQ dhanka dhaqaalaha ee loo yaqaan “Donor Working Group” oo ka kala socday (EU, FCO UK, Denmark, DANIDA, Interpeace, iyo Creative). Sidoo kale waxa ay KDQ ka war bixiyeen sidii hufneyd ee kaadh qaybintu u dhacday io horumarka laga gaadhay goboladaas.

Howshan kaadh qaybinta ayaa ah mid loogu diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeynka ee ku suntan in ay dhacdo 13Nov.2017 ka.
Xubnihii ka soo qayb galay ee ka socday “donor working group” ayaa aad u soo dhaweeyay siday hawsha KDQ u qabteyn, kuna hambalyeeyey waxqabadkooda iyo warbixinta uu komishanku siiyay, waxayna sheegeen inay KDQ gacan ku siinayaan sida ay hawlaha u wadaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso