Gudaha Ka Eeg : Masuuliyiinta U Sareeya Haayada UNODC iyo Maamulka Sare Ciidanka Dab-demiska Oo Kulan Wada Yeeshay.

Masuuliyiinta U Sareeya Haayada UNODC iyo Maamulka Sare Ciidanka Dab-demiska oo kulan wada yeeshay waxaana halkaa kulan kula yeeshay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska. Haayada UNODC[ United Nations Office On Drugs And Crime]  ayaa badanka ka hawlgasha ama ka shaqaysa Xuquuqda dadka Maxaabiista ah ee dambiyada galay.

 

Ujeedada kulan ayaa ahaa in haayada iyo Ciidanka Dab-demisku ay yeeshaan wada shaqayn dhaw isla markaana hadii ay suuragal tahay in Qaar ka mida Maxaabiista Jeelasha ku jirta Loo sameeyo Tababar isla markaana la baro tababarada ku saabsan Tababarada Dabka iyo Tababarada kale ee ay bixiyaan Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland.

 

Ugu horayna waxaa halkaa ka hadlay kuna soo dhaweeyay waftigan Agaasimaha Fulinta oo sheegay inay aad u soo dhawaynayaan Saraakiisha Haayada UNODC oo ay goobjoog ahaayeen Mrs. Panilla oo ah Sarkaalka u sareeya gaar ahaan xafiiska Magaalada Nairobi iyo Cabdilaahi Abokor oo isna ka mida saraakiisha u saraysa Xafiiska magaalada Hargeysa ee Haayada, waxaana Agaasimuhu sharaxay waxyaabaha ciidanku qabto iyo waxa u qabsoomay muddada yar ee kooban ee uu jiray iyadoo horumar ballaadhan sameeyay Ciidanku haday noqoto dhankastaba.

 

Intii lagu gudajiray kulankaas ayaa waxaa Agaasimaha Fulintu Indhahooda ku soo tusay saraakiisha Haayada UNODC iyaga oo ku jira Tababarada Laba Maxbuus oo ka soo baxay Jeelasha Waddanka kuwaas oo Ciidanka Dab-demisku u fidiyay Tababaro Ku saabsan Dabka iyo tababaro kaleba isla markaana si toosa uga mid noqday Askarta loo tababarayo inay ka mid noqdaan Ciidanka Dab-demiska.

 

Dhankooda waxa ka hadlay Saraakiisha waxaanay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin booqashadan ay ku yimaadeen Xarunta Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale kulankan gaar ka ah ee ay la qaateen maamulka sare ee Dab-demiska, waxaanay sheegeen inay rajaynayaan inay wada shaqay dhaw yeelan doonaan Dabdemiska isla markaana ka wada shaqayn doonaan arrimaha Maxaabiista iyo sidii ay u baran lahaayeen xirfado ay ku shaqaystaan gaar ahaan xirfada Dabka oo ah xirfad aad iyo aad u muhiima isla markaana ay ka shaqo abuur ka heleen dhalinyaro badan.

 

Sidoo kale waxay Tilmaameen inay noqon doonto bilowga wadashaqayn dhex marta labada Haayadood isla markaana aanay noqon markii u dambaysay ee booqasho iyo kulan ku yimaadaan dab-demiska balse ay ku iman doonaan kulamo badan oo is daba jooga.

 

Ugu dambayn kulankaas gaar ah ee Masuuliyiinta U Sareeya Haayada UNODC iyo Maamulka Sare Ciidanka Dab-demiska ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo wadashaqayn buuxda. waxaana Agaasimaha Fulintu uu dhamaan soo wada tusay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska Hargeysa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso