Gudaha Ka Eeg :Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhawayn Ballaadhan U Sameeyey Taageerayaal Uu Hoggaaminayo Siyaasiga Ruug-Caddaaga Ah Ee Xasan Xaydh + Sawiro

 

Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan ku qaabilay taageerayaal baaxad leh oo uu hoggaaminayo siyaasiga caanka ah ee Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo hore uga tirsanaa xisbiga WADDANI.
Xaflad bilicsan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ee maanta, kana qaybgaleen hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu hormood u yahay

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ay wehelinayeen boqolaal taageerayaashiisii ah, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey midowga xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo taageerayaashan cusub.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso