Gudaha Ka Eeg :Shir Balaadhan Oo Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Laanta Greater Manchester Uk Qabsadeen +

 

Manchester, Axad 21.05.2017 Shirka oo si heer Sare loo soo agaasimay ayaa waxaa Magaalada Manchester UK uu uga qabsoomay Xisbiga Kulmiye Laantiisa Greater Manchester shirkaasoo ay qabsadeen Garabka Haweenka ee Laanta Greater Manchester wuxuu qayb ka ahaa dardar gelinta hawlaha xisbiga gaar ahaan dejinta iyo socodsiinta qorshaha ay laantu kaga qayb galayso tartanka doorasho ee xisbigu isu diyaarinayo bisha November hadii Alle idmo.

Dhamaadkii shirka garabka haweenka ayaa waxa kala qayb galay xubno ka mida madaxda laanta oo ay hogaaminayaan Gudoomiyha laanta Mudane Ismaaciil Goox Axmed ku xigeenk 1aad Cali Fuad Axmed, Adan Xasan Madoobe ka socda gudiga fulinta Xisbiga kulmiye UK ahna Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Kulmiye Uk kuwaasoo dhamaantood halkaa ka jeediyay hadalo dhiirigelin iyo mahadnaq ba ah ayaa waxaa lagu gunaanaday buuxinta xilal banaanaaday iyo magacawga xilal cusub oo loo soo xulay xubno firfircoon oo doorwayn iyo kaalin wax ku oola ka gaysanaya waxqabadka laantu ay isagu diyaarinayso qaybta kaga beegan hawlaha xisbiga ee la xidhiidha isu diyaarinta tartanka doorasho.

Jagooyinka ama xilalka la buuxiyey shalay waa sidan soo socota.

1) Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Manchester oo loo magacaabay
Mohamed Saleban Sarman

2) Gudoomiye ku xigeenka 1aad garabka haweenka Kulmiye Manchester oo loo magacaabay,
Rahma Isse

Af-hayeenka garabka haweenka ee Kulmiye Manchester oo loo magacaabay,
Susan Ibrahim Nur

Gudida Anshaxa ee xisbiga Kulmiye laanta Manchester ,
1) Sheikh Abdikadir Jama (Gudoomiye )

2) Abdirahman Abib (xubin)

3) Adan Hassan (xubin )

 

Shirkaasi wuxuu ku soo dhamaaday guul.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso