Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal Q4aad

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q4AAD

AHUN Cigaal waxa uu ahaa shaqsi karti badan leh,  waxa uu awood u lahaa inuu maskax iyo aqoon ku muquuniyo siyaasiyiinta  kasoo horjeeda,  hadana waxa uu ogolaa kala duwanaanta fikirka, waxaanu tix galin jiray fikradaha kasoo horjeeda ee ay ku jirto danta dalku. Prof. Maxamed Sicid Gees oo ka hadlay sidii Cigaal u tix galin jiray kala duwnaata fikirka ayaa yidhi  “ Ilaahay raali haka noqdee Marxuumku wuxu jeclaa in la wada casheeyo, ee aan cid gaar ahi kaligeed cashayn”
Madaxweyne A.M.M Siilaanyo oo in badan ay soo wada shaqeeyeen oo isna  sifaynayay kal furnaantii, niyad wanaagii iyo sidii uu Cigaal danta dalka wax walba uga hormarin  jiray ayaa yidhi “ ma ahayn nin colaada guntada, waayo masalan idinka oo maanta dagaalamaya oo uu cir, dhul iyo bad-ba kugu soo dhaqaajiyo, haddana way hawl yarayd marka uu arko in dantu ku jirto ta dalka ha noqoto, ama tiisaba, inuu si fudud heshiis kuula noqdaa”
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa kaa markhaati kacday inaanu Cigaal ahayn Hogaamiye calool ku hayn leh  waxaanay tidhi “ Waxa uu ahaa nin sharaarad kulul balse aan calool ku hayn lahayn”
AHUN Cigaal Waxa uu wax walba ka hor marin jiray sidii ay himilada qaranku u hirgeli lahayd, wax kasta oo ay ku kacaysona, maal iyo maskaxba wuu u huri jiray, wuxu ahaa deeqsi hantidiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Xogogaal ayuu u ahaa xaalada bulshada, waxaanu isku hawli jiray dhib kasta oo shacabka lasoo gudboonaata inuu xalkeeda raadiyo, qayb libaaxna ka qaato.
Bulshada si toos ah ayay iskugu xidhnaayeen balse wasiiro ama siyaasiyin kale uma dhaxayn, xaalad kasta oo soo cusboonaato waxa uu bulshada kula wadaagi jiray  khayriyada isagoo hadalka deeqsiin jiray, si wanaagsana u qancin jiray, wuxuu hibo u laha  inuu laba saacadood iyo in ka badanba shacabka u khudbayn karo isagoon warqad ka akhriyayn.
Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa ku talaxtagay taariikhda isagoo ka hadlaya aftahanimadii iyo  inaanu AHUN  Madaxweyne M.X.I Cigaal warqad ka akhrin jirin khudbadihiisa ayaa yidhi “Hogaamiye M.X Ibrahim Cigaal inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu ahaa hogaamiye kusoo tobabartay makrifoonadii xisibyadii gobnimo-doonka iyo kuwii mucaaridka ahaaba xiliyadii danbe ee madaxbaanida la xaqiijiyay. Khudbado dhaadheer oo dacalo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba arimihii xiliyadaa taagnaa ama aawanaaba,Marka aad dhex qaado khudbadihiisa ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u seegin ama uuga hadlayo mawduucyo nolosha taabanaya ”
Hogaamiye Cigaal sida uu mudo saacado ah khudbayn karo si la mid ah ayuu karti u lahaa inuu qaranka u shaqayn karo saacado badan Marwo kaltuun oo ka hadlaysa ayaa tidhi “Marka ay noqoto xagga kartida shaqada uu u lahaa, waxaa dhici jirtay inuu illaa dhawr iyo toban saacadood oo isku xiga uu shaqo mashquul ku ahaado” ……..LASOCO Q5AAD.

Fuaad Abdillahi Hassan
HYPERLINK “mailto:Fuaad_phy@hotmail.com” Fuaad_phy@hotmail.com
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso