Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan La Qaatay Xildhibbaano Ka Tirsan Baarlamaanka Imaaraadka .

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha shirkadda Bin Ham Group of Companies ee dalkaasi sida oo kale na ah xubin ka tirsan aqalka baarlamaanka dawladaha isku-tagga Imaaraadka carabta.

Kulankan oo guddoomiye Cirro uu ku wehelinaayey hoggaamiyaha xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa ay labada dhinac ba kaga wada-hadleen arrimo khuseeya xaaladda guud ee Somaliland, xidhiidhka u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka iyo weli ba sida oo kale abaaraha, iyo doorashooyinka ku soo foodka leh Somaliland.

Kulankan oo socday muddo saacado ah, ayaa waxa si weyn u soo qaban-qaabiyey qabsoomiddiisa Inj.Deeq Axmed Ducaale iyo weli ba Cismaan Axmed Ducaale oo ka mid ah aqoonyanada reer Somaliland ee wax ku bartay dalkaasi, waxaana sida oo kale la filayaa in kulamo noocan ah oo kale ay la yeelan doonaan madax ka tirsan dawladdaasi Imaaraadka carabta.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso