Gudaha Ka Eeg :Deeq Agabka Ah Fayo-Dhawrka Ah Oo La Gaadhsiiyay Degmada Balli-Mataan + Sawiro

Deeq agabka fayo dhowrka caafimaad ah oo ay hay’ada Unicef oo kaashaneysa hay’ada wadaniga ah ee Rays ayaa la gaadhsiiyay dadweynaha deegaanada Bali mataan ee gobolka Maroodijeex

Deeqdan caafimaad ee laga qeybiyay deegaanka ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ee ku xoolo waayay abaarihii riiqda dheeraa ee dhulkeena soo maray, kuwaas oo kumanaan qoys ay ku waayeen dhamaanba wixii ay xoolo haysteen

Iyada oo ay haatan curteen roobabkii guga ee dib u dhacay, ayaa ay agabkan caafimaad ee aasaasiga ahi waxa ay wax weyn ka tari doonaan khatar badan oo dhinaca caafimaadka ah oo ka dhalan kara roobabka da’aya

Waxa halkaasi hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Balimataan Mr. Aadan Cabdilaahi Muxumed oo u mahad naqay hay’adaha Unicef iyo Rays ee sida habsamida ah u soo gaadhsiiyay deeqdaasi fayadhowr ee ka koobnayd agabka kala ah Biyo sifeeye, Kalooriin iyo saabuun, waxaana uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha caafimaad isagoo sheegay inay jiraan baahiyo kale oo nololeed iyo caafimaad, kana codsaday hay’adaha deeqdan soo gaadhsiiyay inay ku soo caawiyaan dadka tabaaleysan ee ay xoolihii ka baxeen

Xubno kamid dadka deeqdu gaadhay ee ku sugnaa goobtaasi barakaca Bali Mataan ayaa dhamaantood waxa ay u mahad naqeen dadkii soo gaadhsiiyay taageerada waxa ayna ka codsadeen in lala soo gaadho hoy ay galaan, musqulo, iskuulo ay caruurtu wax ugu barato iyo deeq cuno ah oo deg deg  ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso