Wardegdeg Ah : Ciidamada Puntland Ayaa Wasiirka Waxbarashada Md Habane ka hor istaagay In uu Galo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ciidanka maamulka Puntland ka horjoogsadeen inuu gudaha u galo degmada Badhan ee bariga magaalada Ceerigaabo.

Maamulka puntland ayaa ciidamo badan soo dhoobay deegaanadda Hadaftimo yube ee degmadda Badhan waxaana lagu soo waramayaa in wasiirka oo doonayay inuu gaadhi ku wareejiyo isuduwaha wasaarada waxbarashadda degmada Badhan loo diiday inuu deegaanka yimaado

Wasiirka ayaa ka soo laabtay deegaankaasi kumanuu wareejin gaadhigii loogu tallo galay,waxaana lasoo sheegayaa inuu wasiir ku soo laabtay degmada Gudmo Biyo cas.

Warqabadka Togaherer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso