Gudaha Ka Eeg :Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Oo Booqasho Ku Yimi Xarunta Ciidanka Dabd-Demiska Caasimada Hargeysa.

Safiirka Somaliland ee waddanka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil ayaa maanta booqasho ku yimi xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka ee Magaalada Hargeysa.

Halkaa waxaa ugu horayn ku soo dhaweeyay Safiirka Maamulka sare ee Ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Axmed Sawaaxili, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Taliye ku xigeenka,Suldaan Axmed Daahir iyo Cabdilaahi Cirro oo ka mida guddida Dabdemiska.
Ugu horayna waxaa hadalka qaatay Taliyaha Ciidanka oo sheegay marxalidihii ciidanku soo maray muddadii koobnayd ee uu jiray iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxaanuu taliyuhu xusay in xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay hirgelisay mashruucan Dabdemiska oo muddadii ay somaliland jirtay aan hore looga yagleelin Ciidan u gaara Dabdemiska. waxaa kaloo taliyuhu sheegay in Dababka bishii la bakhtiiyaa ay markasta kor u sii kacayso isla markaana waxqabadka iyo gurmadka ciidanka dabdemisku maalinba maalinta ka dambaysa uu sii balaadhanayo.

Dhankiisa Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Qaranka Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa u mahadnaqay Amb. Baashe Cawil booqashadan maanta uu ku yimiTaliska Guud ee ciidanka Dabdemiska waxaana Agaasimuhu sheegay in Maamul ahaan ciidanku ka dhisanyihiin isla markaana ay jiraan waaxo badan iyo xafisiiyo qalabaysan oo ciidanka dabdemiska u gaara, waxaanuu agaasimaha fulintu sheegay in muddada kooban waxqabadka u qabsoomay dabdemisku yahay mid la taaban karo.

Waxaa iyaguna halkaa hadalo kooban ka yidhi La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafada Khadar Cali Gaas, Sultaan Axmed Daahir iyo Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Cirro, waxaanay dhamaantoo sheegeen in waxqabadkaa ciidanka dabdemiska halkaa hore looga sii socdo.

Ugu Dambayn Safiirka Somaliland ee waddanka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntan diiran ee maamulka ciidanka Dabdemisku u sameeyeen waxaanu sheegay in Ka Safiir ahaan wax kasta oo uu la qaban dabdemisku uu garab istaagi doono hiil iyo hoona uu markastaba lagarab taaganyahay. waxaa sidoo kale Amb. Baashe ka marag kacay waxqabdkaa baaxada leh iyo ciidanka tayaysan ee u gaarka ah Dabdemisku ay tahay astaan iyo tusaale wanaagsan oo waxqabad isla markaana Ciidankan laga soo bilaabay meel bilow ah maanta meel wanaagsan marayo.

Gabagabadii waxaa Ambassador Baashe soo maray dhamaan xafiisyada kala duwan ee ay kooban tahay xarunta ciidanka dabdemiska caasimada hargesya.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso