Gudaha Ka Eeg :Imtixaankii Loogu Tartamayay 30-Ka Boos Ee Ka Banaan Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Laascaanood + Gudoomiye Sharmaarke Geelle Oo Ka Hadlay + Sawiro

Waxaa Maanta loo fadhiistay Imtixaankii loogu tartamayay 30-ka boos ee ka banaan qaar ka mid ah Wasaaradaha Dalka .

Imtixaankii oo markii ugu horaysay lagu galayo Gobolka Sool ayaa waxaa qaadaysaa Hay’adda Shaqaalaha-Dawaldda .

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ,Mudane Sharmaarke Geelle oo ku sugan Gobolka Sool ayaa mar uu ka hadlayay imtixaankan Saaka ka bilaabmay Gobolka Sool ayaa waxaa uu si kooban u yidhi “  Waxaa si rasmi ah u bilaabmay imtixaankii aan ku qaadaynay magaalada Laasacanood, Waxaan la joogaa dhalinayaro rajo iyo farxad badan dareemaya, Allow Guul noogu dhamee, Bilowga qaran iyo qalin hiil helay  ”

Gudoomiyaha oo la dardaarmayay macalimiinta imtixaankan qaadayaa ayaa waxaa uu yidhi

“ Waxaan Alle idiinku dhaarinayaa in aydaan; si Dadban si Daahan iyo Si Daalacan midna ula shaqayn tartamayaashan, Illaahay baan idin markhaati galiyey ee ha ku xulina qabiil balse ku xula qalin!

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa intii uu xilkan qabtay, waxaa uu qaadayay talaabooyin la mahadiyay .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso