Shir lagu Dardargalinaayo ololaha Xisbiga Kulmiye ee Doorashada oo lagu Qabtay East London

Shirkan oo ahaa mid looga gol lahaa bilaabid ololaha dorashada Madaxtooyda Somaliland ee dhici doonta 13/09/17 ayaa waxaa ka so qayb galay Laamaha Xisbiga kulmiye UK iyo marti sharaf kale. Ugu horeeyn Gudoomiyaha Laanta East London Siciid X Xasan ayaa soo dhoweeyn balaadhan u sameeyay dadkii ka soo qayb galay, isaga oo uga mahad naqay martid meelaha fogfog ka soo kacitimay.

Guddomiyaha Laanta Xisbiga kulmiye ee sheffield Mudane Yasin Carbooshe ayaa aad ugu mahadnaqay Gudoomiyaha Laanta East London iyo Guddiga Fulinta abaabulka iyo dardargalinta ay ka bilaabeen Uk.

Xoghayaha Cardif mudane Siyaad ayaa aad iyo aad u soo dhaweeyay, kana waramay waxqabadka Laanta Cardiff iyo qorshayashooda mustaqbalka dhaw.

Xoghayaha Laanta North London mudane Cali ayaa aad ugu mahad naqay Laanta East London iyo kaalintii ay kaga jirtay ololihii doorashadii hore iyo sida wanaagsan ee ay iminka isu abaabushay. Gudomiyaha Laanta North-West london Mudane Abdi Qawdhan ayaa uga mahadnaqay Laanta East london casuumada iyo hormoodka ay ka noqdeen ololaha doorashada inagu soo fooda leh.

Guddomiyaha West London Mudane Rooble ayaa ka warmay waxqabaka Laanta iyo sida ay ugu diyaar garawday ka qayb galka doorashada Madaxtooyada . Sidoo kale Guddomiyaha Laanta South-East  Mudane Faysal ayaa u mahad naqay Laanta soo casuntay iyo dardargalinta ay bilowday.

Guddomiyihii hore ee Laanta Greater Manchester  Eng Jama Ali Farah ayaa si xamaasadaysan uga hadlay kaalinta qurbajoogu ku leeyihiin Xisbiga Kulmiye iyo sida hadda loogu bahanyahay in loo sii adkeeyo.

Oday Bare Aw Gaab Dagaal, ahna Khasnajiga Sheffield ayaa khudbad baladhan halkaa ka soo jeediyay, isaga oo si gaar ah Xisbiga Kulmiye Uk ugu xilsaartay in uu soo sameeyo cilmi baadhis ku taxaluqda sida qurbajooga xisbigu uga hawlgali karan doorashada iyo kaalmaha ay buuxin karaan isaga oo 16/5/17 u ambabaxaya waddankii hooyo.

Oday Faysal Baadhe oo ka mid ah odayaasha East London ayaa ku guubabiyey taageerayasha Xisbiga sidii qayb libaax ugu qaadan lahayeen taageerada Xisbiga. Xubno ka mid ah Guddiga Fulinta ayaa iyana halkaa hadalo caaqiibo leh ka soo jeediya oo ay ka mid ahaayeen Guddomiye Xigeenka Kowaad iyo labaad, Gudomiyaha Wacyigelinta, Guddomiyaha Garabka Haweenka, Xidhiidhiyaha iyo Gudoomiyaha Cilmi baadhista. 

Ugu danbaytii waxaa soo Gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Xariir Xirsi Adar, isaga oo uga mahad celiyey Laanta East London xaflada quruxda  badan iyo aaraadii wanaagsanayd ee madasha laga soo wada jeediyey. Guddomiyuhu waxaa uu khudbad dheer oo guubaabo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay madasha isaga oo saldhig uga dhigay seddex qodob oo kala ah 1) ka qayb qaadashada dhaqaalaha 2) diyaar garawga muraaqibiinta iyo 3) hawl dhammaystiran oo warbaahinta Kulmiye UK ku dhaqaaqdo. Waxaanu Guddomiyahu faray dhamman Guddomiyayaasha Laamaha in ay sii laban laaban dhaqaale ururinta Xisbiga isaga oo uga mahadnaqay dhaqaalaha ay xisbiga u direen iyo balanqaadyada kama dambeeysta ah ee ay sameeyeen.

Guntii iyo gabagabadii shirka waxaa la isla qaatay in seddexda qodob xoogga la saaro oo  si dhakhso ah loo dhammystiro hawlaha calculus ee inoo yaal mustaqbalka dhaw.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso