Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

 

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

15 May 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2017 magaalada Hargeysa..

Marxuum Cismaan Cabdillaahi Siciid oo Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay dib-u-xorayntii dalka iyo dib-u-dhiskii ciidanka Qaranka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Millatariga. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa sarkaal hawlkar ah oo ku suntanaa dadnimo wanaagsan iyo addoon Alle ka cabsi badan.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

 

 

Aamiin….Aamiin….Aamiin.\

 

 

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Attachments area

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso