Gudaha Ka Eeg :Shir Balaadhan Oo Lagu Dardar Gelinayo Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Doorashada Ayaa Lagu Qabtey Laanta East London Xisbiga Kulmiye UK.

Shirkan oo ahaa mid looga gol lahaa bilaabida Kambaynaka  iyo ololaha dorashada dhici doonta 13/09/17. Shirkan oo ay ka so qayb galeen laamaha xisbiga kulmiye UK iyo marti sharaf kale. Ugu hore guddomiyaha lanta East London Siciid X Xasan ayaa soo dhawaw balaadhan u sameeyay ka soo qayb galayaashi, isaga oo uga mahad naqay martid mesha fogfog ka soo kacitimay.

 

Goddomiyasha lamaha xisbiga kulmiye ee kala ah sheffield mudane Yashin Carboosh ayaa aad ugu mahadnaqay gudomaha lant East london iyo guddida fulinta abaabulaka iyo dardargalinta ay ka eadan Uk.

Xogahay Cardif Siyaad ayaa aad iyo aad u so dhaweeyay kana waramay waxqabaka laanta Cardiff iyo qorshayashooda mustaqbalka dhaw.

 

Xoghaya lant North London muddane Cali ayaa aad ugu mahad naqay lant East iyo kaalintii ay kaga jirtay ololihii doorashad hore iyo sida ay iminka  sida fiican ee ay isu abaabushay.

Gudomiyaha lant Nort-West Muddane Abdi Qawdhan ayaa uga mahadnaqay lant East london casuumada iyo bilaabiga ololaha doorashada ee dibada.

Guddomiyaha west London muddane Rooble ayaa ka waranat waxqabaka lanta iyo sida ay ugu diyaar garawday ka qayb galaka door doorasha . Sidoo kale Guddomiyaha lanta South-East  mudana Faysal ayaa u mahad naqay lant soo casuntay.

Guddomiyihii hore ee Lanta Munchester  Eng Jama Ali Farah ayaa si xamaasadayasan uga hadlay sida hadla kaalint qurba joogu ku leeyihiin Xisbiga Kulmiye iyo sida loogu bahanyahay in iminka loogu koco.

 

Oday Bare Aw Gaab Dagaal ayaa qudbad baladhan halka ka soo jeediyay, Isga oo si gaar ah Xisbiga Kulmiye Uk ugu xilsaartay in uu soo sameeyo cilmi badhis ku taxaluuqda sida qurba jooga xisbigu uga hawlgali karan doorashad iyo kaalmaha ay buuxin karan isaga oo 16/5/17 u amaba baxaya wadankii. Oday Faysal baadhe oo ka mid ah Odayaasha East London ayaa ku guubabiya taageerayasha Xisbiga sidii ay midno ugu qayb qaadan lahayeen taageerada Xisbiga.

 

Xubno ka mid ah Gudida fulint ayaa iyana halka hadloo caqiibo leh ka soo jeediya oo ay ka mid ahaaye Guddomiye Xigeenka Kowaad iyo labaad, Gudomiyaha Wacyi galint, guddomiyaha Garabka Haweenka, Xidhiidhiyaha iyo Gudoomiyaha Cilmi baadhista. Ugu danbaytii waxaa soo Gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Xariir Xirsi Adar, Isaga oo uga mahad naqa lanta East London iyo hawl galkeedaba. Guddomiyuhu waxaa uu qudbad dheer ka jeediyay madasha isaga oo saldhig uga dhiga laba qodob oo kala ah 1) ka qayb qaadashada dhaqaalaha iyo u diyaar garawga muraaqibiinta, waxaa u gudomiyuhu faray dhaman gudoomiyayasha laamuhu in ay sii laban laaban dhaqala ururint Xisbiga isaga oo uga mahadnaqay dhaqaalaha ay xisbiga u direen.

 

Guntii iyo gabagabadii shirka waxaa la isla qaatay in labada qodob xooga la saaro oo bisha Juun la dhamaystiro.

 

Allah Mahad Leh

 

Guddida Warbaahinta Xisbiga Kulmiye Uk

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso