Gudaha Ka Eeg :Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Dadweynaha Kasoo Jeeda Deegaannada Aw Barkhadle, Qool-Buulalle Iyo Celliyo + Sawiro

Taageerayaal kasoo jeeda deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buulalle, Celliyo iyo degmooyinka Gacan-libaax iyo Sallaxley, ayaa maanta si rasmi ah ula midoobay xisbul-xaakimka talada Somaliland ee KULMIYE, waxana ay si cad u sheegeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga.
Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey taageerayaashan oo lagu qabtay hutaal ADDAMS INN ee Magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil sarsare oo xisbiga ka tirsan, wasirro, agaasimayaal, xildhibaanno, Salaadiin, cuqaal, haween iyo boqolaal taageerayaasha ku biiray xisbiga KULMIYE.
Munaasabaddaasi waxa hadallo ka jeediyey madaxdhaqameed, salaadiin iyo waxgarad ka soo dadweynaha deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buulalle, Bariga Hargeysa iyo Celliyo, kuwaas si faahfaahsan u sharraxay asbaabta ku kallifay inay xisbiga KULMIYE ku biiraan, iyaga oo caddeeyey waxqabadka xisbigu dalka ka fuliyey iyo hoggaanka waqtigan xisbiga u sharraxani kaalin mug leh kaga jiraan taageerada ay xisbiga u hayaan.
Sidoo kale, masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo iyaguna khudbado ka jeediyey xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey dadweynahan cusub ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE oo ay u tilmaameen inuu yahay mid la wada leeyahay oo aan la kala lahayn, waxaanay u hogo-tusaaleeyeen siyaasadda xisbiga ee uu doonayo inuu mar labaad ku hanto hoggaaminta dalka Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso