Daawo :Ra’iisul Wasaaraha Somalia Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Qatar

Mogadishu, 13 May 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah. waxana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka socday dawladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Doha Ambbasador Cumar Idiris.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley Dawladda Qatar, waxaana u bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal. Isagoo ka qeyb geli doono Shirka Doha Forum oo lagu casuumo madax ka socota dalal kala duwan iyo Hay,ado caalami ah. Waxana shirkani furi donna Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dawladda Qatar ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso