Gudaha Ka Eeg :Xisbiga UCID Oo Caawa Qabsaday Xaflad Lagu Dar-Dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Ee Hargaysa + Sawiro

Xisbiga UCID ayaa caawa Xaflad balaadhan ku qabsaday Scandanivian Hotel Ee Magaalada Hargaysa .

Xafladdan ayaa ahayd mid lagu dar-dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, Sidoo kalena loogu diyaar-garoobayo qaadashada kaadh-ka cod-bixiyayaasha Doorashada Dalka Somaliland .

Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maasuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga, Dhalinyarada Xisbiga Ee Degmooyinkaasi, Taageerayaasha Xisbiga UCID, iyo taageerayaal Tiro-badan .

Xubno ku hadlayay Dhalinyarada Xisbigaasi UCID Ee Degmooyinkaasi ayaa tilmaamay taageerada laxaad-ka leh ay Xisbiga u hayaan, iyo sida aan la isku bar-bar dhigi Karin Murashax Eng Fasyal Cali Waraabe iyo Murashaxiinta kale ee Xisbiyada kale .

Sidoo kale waxay ku booriyeen Taageerayaasha Xisbiga UCID in ay qaataan kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha si ay ula tartamaan dhigooda kale ee Xisbiyada .

Dhalinyaradan oo khudbado taarikhiya madashaasi ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday tacabka uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe Gashaday Dalkiisa, iyo sida aanu maalin iyo habeen-ba uga daalin ka shaqaynta Danaha   Qaranka Somaliland, Iyagoo Xusay dadaalo badan oo dalka ka gaystan Hawlaha Qaranka .

Ugu danbayn Dhalinyaradani waxay sheegeen in Murashaxa Faysal Cali Waraabe Yahay Hogaamiyaha maanta ku haboon in uu qabto Talada Dalka Somaliland .

Waxaa Gunaanadkii Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu u mahad-naqay Dhalinyaradii Sama-doon, Ururadii Gobolka Awdal Ee Xisbiga ku soo biirayay Todobaadadii ugu danbeeyay,  Sidoo kale waxaa u mahad-naqay Dhalinyarada Fir-fircoon Ee Xisbiga UCID ee Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamed Haybe ee dadaal-ka Muujiyay .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu taageerayaasha UCID ugu baaqay in ay qaataan Kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay Madaxweynaha ku qasbi-doonaan in uu sameeyo dawlad dhex ah, haddii ay wasiiradu joojin-waayaan ololaha Muuse Biixi ay ugu jirana ee ay kaga mashquuleen Hawlihi qaran ee loo igmaday .

Xafladdan  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ku soo dhamaatay Jawwi Degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso