Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Q/ 8-aad)”

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar  “Q/ 8-aad)”

 

Xikmadaha soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo, haddii xaaskaaga oo dud-mo kaaga maqnayd la soo celiyo laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto, waxa kale oo ka mid ah inta guudka leh, Faraska, sababtoo ah, Faraska dumarku ma layl-yaan, mana fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteed baa loo yidhaahdaa” Senguhu ma’gallo amaano dumar”

Inkastoo aynaa qormo kaliya ku soo koobi karin odhaahyada, murtida iyo maahmaahyada garta dhaqanku leedahay, haddana, kuwa garta loo isticmaalo waxa ka mid ah sidan:-

  1. Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
  2. Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar lehna maxaad mooday.
  3. Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
  4. Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
  5. Gari laba nin kama wada qosliso
  6. Gar waa loo wada islaam.
  7. Garawshiinyo waa geel siin.
  8. Gartaada debeddaa lagu soo akhristaa.
  9. Gaalka dil, gartiisana sii.
  10. Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
  11. Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
  12. Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
  13. Taasi waa gar, dawse ma aha.
  14. Gar eexo, gacan gudhan iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
  15. Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
  16. Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
  17. Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
  18. Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
  19. Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
  20. Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.
  21. Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo..
  22. Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
  23. Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
  24. Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa
  25. Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
  26. Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
  27. Nin gar yidhi ma tacadiyin.
  28. Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
  29. Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
  30. Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
  31. Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
  32. Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
  33. Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
  34. Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
  35. Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
  36. Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
  37. Haddii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
  38. Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
  39. Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
  40. Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
  41. Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
  42. Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
  43. Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
  44. Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
  45. Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.
  46. Caduur wali dhowdhowdu uma dhacsana.
  47. Farro-aan dufan lahayn wax ma duugaan.
  48. Hubsiimo hal baa la siistaa.
  49. Hadal iyo hilbaba kala qallan.
  50. Lafahana gur, xaragona haka tegin.
  51. Dhac guudkii lagama hadlo.
  52. Xadhko geel ma wada xidhaan.
  53. Tolkaa eex laguma dilo
  54. Boqolle boqol baa lagu doonaa.
  55. Raq-ba waa ku rageed.
  56. May tidhi waa kayd rag.
  57. Qosol hiilimaad noqoy,.
  58. Haddii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
  59. Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
  60. Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari Idaad (laxo madax madow oo (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
  61. Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi. , “Reerku ha guuro waa gar, Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”

 

 

Dhinaca suugaantana gabayada. heesaha eek u soo aroora garaha waxa iyana ka mid ah sida:  “Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, hadaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale.

‘Arrin dhacay gobaysane hadii oday ka maahmaaho, afar goor hadii uu jifida rayska ka aroorsho, aqoon gaabka iyo liidku waa ku af-dhalaalaane, isha uma marmaro maatadiyo uur timoolaha’e,” Xasan Madoobe.

“Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.
Qoraa/:  Maxamed Faarax Qoti

 

(Xigahso:  Cabdisalaan Maxamed Xirsi “Caara-dhuub”

dhaqanyahan ku xeel-dheer dhinaca suugaanta gabayada.)

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso