Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Xalay Muxaadaro (Lecture) Ka Jeediyay Kulan Dadwayne Oo Ka Dhacay Magaalada Burco + Sawiro

Kulankan Dad-wayne ayaa ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay soo buux-dhaafiyeen Ardayda jaamacadaha Burco iyo dadwayne kale .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Muxaadaro ku taccalluqda Dhaqan-Siyaasadeed-ka Somaliland, Waxaanu dib u milicsaday Gudoomiyuhu Taariikhdii Iyo Maraxilkii adkaa Ee Dalka Somaliland ka soo gudbay, isagoo dul-istaagay Taarikhihii kala gaddisanaa ee Dalku soo maray oo mid waliba waayaheeda Xambaarsanayd .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Dalka Somaliland ay maanta ka jirto Hogaan-xumo, qabyaaladduna ay marba maraka ka danbaysa cirka isku sii shareerayso .

Gudoomiyuhu wxuu halkaasi ku soo bandhigay Xalal iyo Barnaamij-ka Siyasiga Ee Xisibiga, isagoo ku tilmaamay  Xisbiga UCID in uu yahay Xisbiga Qudha ee dalkan ka badbaadin Kara Dhibaatooyin-ka Ragaadiyay Ee Qabyaaladdu Kow Ka Tahay .

Dhalinyaradii halkaasi ku sugnayd ayaa su’aalo kala duwan ku boobay Gudoomiyaha, Iyadoo Gudoomiyuhuna uu dhamaan Su’aalahaasi ka bixiyay Jawaabo Waafi ah .

Kulankii Xalay ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen, iyadoo bulshada Reer Burco ay la dhaceen Lecture-Ka Gudoomiyahaa oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayaa, Sidoo kalena Ahaa Gudoomiyihii Siyaasigii ugu horeeyay ee Lecture Ka jeediyay Burco .

Guodomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa Muxaadarooyin ( Puclic Lectrure) sidan oo kale ah hore uga jeediyay Magaalooyinka Hargaysa iyo Borama .

Advertisement

Ku Xayeysiiso