Xus iyo Xusuus : Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale

SAMSUNG

Xus iyo Xusuus :

Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale

 

Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo                                                                                Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka gobi leeday                                                                                Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo                                                                                       Ku xasuuso ruuxii xil gaba suu u xuganaayey                                                                                      Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa                                                                                      Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo.                                                                Waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin                                                                                Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato                                                                  Geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye                                                                Qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun eebe.

Bahda Mareegta Farshaxan

April, 2017

Waa xilli ay ku beegnayd goor-sheegtu ilaa 2dii  galabnimo, kal-tirsiguna uu ahaa bishii Febraayo 18,ee gu’gii 2017kii. Dhaxan xad dhaaf ah oo dhici  jirtay xilliyadan, barafna ku weheliyo ayaan maalintan  jirin. Dhul aan looga baran xilliyadan inay hawadu fiicnaato ayaa isbadal ku yimid. Naftaanu ku qancinaa   doorkan jiilaalkii  dhaxan iyo barafba lamuu  iman. Maalin jawigaa laheyd bay aheyd. Waxaan ku soo socday guriga. Si lama filaana ah waxaa u dhawaaqdey koortii aan sitey. Gartey qofka soo hadlay oo tolnimo iyo  saaxiibtinimaba naga dhaxeyso, markaanu wada hadalano  aan dhinacyo badan  isla soo qaadno. Hase yeeshee  maalintan weedh  naxdin leh ayuu ii sheegay, labadayadaba hadalkii wuu ku gudhay,noomayna suurtogalin inaanu sii wada hadalno. Waxaad moodaysay in jidhkaygu uu  isgalay, dhawaaqa dhegahayga ku soo dhacey  wuxuu siday  dhiilo, badashey dareenkaygii iyo jawigii aan ku jiray maalintaa. Waxaa la igu wargaliyey  inuu maanta uu  geeriyooday Maxamed Cilmi Bulaale(IHUN).

Waan ka warqabay inuu xanuunsanayey. Hase yeeshee geeridani waxay igu noqotay                                 waran si toos ah u abaarey wadnahayga,w axaan wareystay  siday tahay Aamina Yaaxeen oo ah xaaska  Maxamed. Intaanu warcelin i siin ayuu afkeygu la soo booday  bal anigaaba la hadli. Waxaan  markiiba maankeyga dhex  jibaaxeysay erayadii  Abwaan Xasan Daahir Weedhsame:

Dubaaqayga qiirada damaqaday igu dinnaaheeye                                                                       Ilmo dabarku hayn waayey oo dhaba u dareeraysa
Hadba duugay waan duugayaa dooxse lama mooso!

Damal dhacay, docdiisii bannaan, deyrka naga liicay
Xulad damay, hal-door lagu goblamay, deeqsi naga hoyday,
Nimay dihatay hooyaba wed baan laga dabbaalayne
Rabbi baan durraansaday baryana waan u dirayaaye
Inta loo darraadiyo ilaah kaama dhigo deyro
Duddo nabada iilkaagu noqoy daarad naxariisa
Qabrigaagu daartii Jannada daa’im idamkiisa

Markay  saacado ka soo wareegtay eey naftu  isku qancisay “Geeridu waa lama huraan, noole dhamaantiina wuu dhadhamin doonaa” ayaan koortii  haleelay una holadey inaan   tacsidayda gaadhsiiyo Aamina Yaaxeen, iimay suurtogalin ee  waxaanse helay Raage oon  ka tacsiyadeeyiey geerida aabihii,farina u farey  hooyadii.

Ilaa aasaaskii  Mareegaha  Farshaxan oo ku beegnayd gu’gii 2003 xidhiidh joogta ah ayaanu laheyn reerka, Garab iyo gaashaan  ayey noo ahaayeen dhinaca suugaanta, dhinaca ururinta taariikhda dadka iyo dalka Soomaalland, dhinaca eraybixinta afka hooyo, iwm.

Gu’gii 2012 ayaanu wadney qoraalo ku saabsan  taariikhda  kacdoonkii ardeyda iyo kaalintii kooxdii UFFO. Qoraaladaa  waxaa summad u ahaa “Dhagaxtuurkii ardeyda iyo  dhiiranaantii UFFO”.  Waxaanu qoraalada la wadaagney mareegaha u heelan danta ummada reer Soomaaliland. Marxuum Maxamed ayaa ka mid ahaa dadkii qoraaladaa arkey, akhriyeyna. Qoraaladaasi sooyaalka ay xanbaarsanaayeen isaga ugumay koobneyn akhris ahaan uun ee intuu qaatey koortiisa ayuu  soo hadley  “ Fu’aadoow  erayga  dhagaxtuur ka saar, taarikhda ayuu  inaga leexinayaa, dad taalada dhagaxtuur ee Xamar arkey ayaa isku ladhi doonee”.   Aragti fog oo ku salaysan waayo aragnimo  dheer ayaa ku ladhneyd odhaahdaa marxuumka.  Gu’gii 2013 ayaa magaalada Hargeysa  maalintii loo qoondeeyey  dhacdadaa ee 20ka Febraayo ayaa dad ku barbaarey Xamar  ku qabteen magaalada Hargeysa xaflada lagaga hadlayey, lagu boqray summada  “100-ka Qof ee Loo Xushay Haldoorka Somaliland ee 20-kii Sanno ee Tagay”.

In la xuso boqolkaa iyo in ka badanba waa guul, ee waxaa is qaban waayey maalinta lala doontay oo  siduu sheegay marxuum Maxamed u dhacdey hal gu’ ka dib.  Axmed Muxumed Madar  oo ka mid ahaa dhalintii UFFO, maalintaana joogay  magaalada Hargeysa ayaa codbaahiyaha qaatey, dhawaaq dheerna ugu sheegay saxaafada in gef weyn laga galey taariikhda Soomaaliland, sheegayna in  la hanbalyeeyo boqolkan  way wanaagsan tahay ee miyaa maalin kale  lala doonto, maalmuhu kala badanaeee…

Gu’gii  2012kii  wuxuu soo jeediyey marxuum Maxamed in la adeegsado  summada ah “Kacdoonkii ardeyda…” .  Marxuumku wuxuu in badan noloshiisa ku qaatey  soo saarista eray bixinta afka –Soomaaliga iyo waxbarista bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu  barre sare ka ahaa Jaamiacadii Lafoole, wuxuu ka mid ahaa guddidii loo xilsaarey in la helo eray bixin aqooneed oo dugsiyada lagu dhigto, wuxuuna hormood ka ahaa qaybta eray bixinta xisaabta.

“Marka la isku soo xoorsho waxbarashada dugsiyadu in ay noqoto Af Soomaali waxa ay ku timi go’aan siyaaseed. Waxayse ku hirgashay go’aan maamul oo Wasaaradda Waxbarashadu ku dhaqaaqday in manaahijta loo tarjumo Soomaali, buugaagta casharada( text-books) iyaguna noqdaan Af Soomaali ”ayuu mar  aanu ka wareysaneyn barre sare Maxamed Bulaale socdaalkii dheeraa ee qorida Af-Soomaaliga.

 

Gu’gii 1956kii ayaa  la soo dhameystiray  qorista Afka Soomaaliga, laguna soo bandhigay dalkii Somaliland British Protectorate xilligaa la odhan jiry iminkana ah dalka Soomaaliland.  Hase yeeshee dadka taariikhda bawdsadey ay dulxaadisna ku tahay ayaa u haysta in la qoray 1972kii. Afka waxaa la hirgalyey 1972kii , hase yeeshee  afka waa la qoray oo diyaar buu ahaa. Marxuum Maxamed wuxuu ka mid ahaa dadka  aqoonta dheeraadka u lahaa taariikhdaa afka Soomaaliga iyo dadaalkii dadkii reer Soomaaliland.

Gu’gii 1972kii  markii la isku raacey in la hirgaliyo Afka Soomaaliga  ayaa  dib u eegid lagu sameeyey hababkii waxbarasho ee kala duwanaa kana jiray labadii dal ee  isku darsamey ( waa Soomaaliya iyo  Soomaaliland ). Waxaa gu’gan la sameeyey  guddiyo iyo waaxyo u xil saaran hirgalinta iyo ururinta eray bixinta aqooneed.

Barre sarre Marxuum Maxamed Bulaale oo arintaa faahfaahinaya ayaa yidhi:“Markii meel la isla dhigay xubnihii gudiyada lana sameeyey waaxihii kala duwanaa ayaa waxaa dib loo eegay nidaamkii waxbarasho ee ka jiri jiray dalkii. labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay kala lahaayeen laba hawlgal waxbarasheed,oo salka ku hayey hab waxbarasheedkii labadii gumaysi ee Ingiriiska oo Somaliland ku dhaqmeysay iyo kii Talyaaniga oo Soomaaliya ku dhaqmeysay”.

 

Marxuum Maxamed Bulaale  ayaa isagoo ka waramaya  sida ay u suurtogashey in eray bixin Af-Soomaali ah la soo bandhigo, laguna adeegsado dugsiyada hoose  ilaa sare ayaa  inala wadaagey in loo kooxeeyey  qaabkan:

1-Erayada si toos ah u leh eray tabin Af-Soomaaliya :

Tusaale :

Cell = Unug ;Average : Celcelis;Addition =Isu-geyn ;Bisect= Kala badh;

Square: Laba-jibaar; Inequalities= Dheeliyada;

Discriminant of quadratic equation: Takooraha Isle’egta Saabley.

2- Erayada Labaad waa qaar ku salaysan aragti (concept )

Tusaale:

Compound interest: Dheefkor ;   Simple Interest= Dheefta Fudud;       differentiate=xig;

hypotenuse=shakaal;     sequence= susun;    vector= leeb; Imaginary root=xidid Maangad .

3- Erayada laysla qaatey in sidooda loo daayo:

Tusaale :

Logaritham iyo Trigonometry,iwm.

4- Erayada la eego muuqaalkooga laguna saleeyo taasi eray-bixintooda:

Tusaale:

parabola=saab; ellipse=qabaal;Rhombus=qardhaas; rectangle=laydi ;

Quadratic Equation = Isle’gta Saabley;

5- Erayada muuqaalka aan raacin ee dhaqanka looga meel dayey:

 

Erayadani waxaa runtii loo galay safaro badan oo marmarka qaarkood qaatey muddo

badan. Dhabar-adeyg ay muujiyeen aqoonyahanadaasi ayaa suurtogalisay in ay guul ka

gaadhaan.Waxaa la eegay qaab dhaqanka erayga shisheeye iyo fariinta uu gudbinayo ka

dibna lagu sargooyey eray Af-Soomaali ah oo dhaqankeena raad ku leh lana jaanqaadaya

erayga shisheeye iyo fariinta uu sidaba.

Tusaale :

-Erayga “ Area” : Runtii muuqaal la raaco lama helin eray si toos ah ula fanqaadana muu

jirin.Sidaa darteed ayaa waxaa la ogaadey in Beeraleydu markay beerta qodayaan ay u

isticmaal erayga “bed” baaxada beerta…

-Ereyga “Diagram”ma aha wax ku jira fikirka Soomaaliga; waxase jirta in kaboolayaashu inta aanay ruux kabo u tolin ay cagta ruuxa saan ku sargooyaan, taas oo la yidhaahdo jaantus. Sidaas ayaa, marka , ereyga  diagram uu jaantus ku noqday.

 

 

 

Haddaba dhinaca miyiga ayaa  aad  uga hodan ah adeegsiga Af-Soomaaliga. Sidaa darteed ayey xilligaa habonaatey in dib loogu noqdo eray bixinta iyo adeegsigooda. Marxuum Maxamed Bulaale oo ka waramaya siduu miyigu kaalin mug u leh uga qaatey helitaanka erayo aqooneed oo dugsiyada  lagu dhigan jiro,lagana maarmi akro adeegsiga eryada aqooneed  ee laga soo ergisanayo  afafka qalaad.

Waxaanu yidhi Marxuum Maxamed Bulaale oo arintaa  nooga waramayey “Haddaad dhuuxdo, adhigu marka uu hayaamayo, iyo laba daraadle,marka uu aroorayo  intuu is dabogalo ay uu susumaa. Aragtidaas  ayaa, marka, keentey in “sequence” oo asal ahaan macnaha uu  xambarsan yahay waxa midba mid daba socdo lagu tarjumo susun. Ereyo badan oo tarjumaada loo adeegsaday waxa lagala soo baxay aqal Soomaliga waxa uu ka kooban yahay  ama weelka hoos yaala.Sidaasna waxa loo yeeley iyada oo alaabta aqal Soomaaligu ka koobmo ay muuqaal ah aan u eeg yihiin shaxanao joomateri. Shaxanada qaarkood ereyga loo bixiyey waxa laga habraacay  aqal soomaaliga qaab dhismeedkiisa. Tusaale ahaan: “meridian” dhig ayaa la yidhi iyada oo laga eegey meesha ay dhigtu aqalka ka gasho. Ereyada miyiga laga keeney waxa ka mid ah “leeb” iyo  “ligane” oo lagu kala bedeley vector iyo normal oo  fisikiska iyo calculus labadaba ku jira.Maadaama uu vector loo qeexo in uu yahay xariiq jihaysan oo leh jiho  iyo xajmi waxa la garawsaday in leebku uu leeyahay dhumuc iyo ganaf (>) tusaya jiho. Sidaas awgeed ayey, marka, u haboonaatay in vector lagu tarjumo leeb. Ligane sida loo qaatay xiiso ayey leedahay; Cayaar carruurtu cayaari jirtay ( mooyi in ay imminka jirtoe) ayaa agabkeedu ahaa jajabyo  eeriyo am bilaalayaal dhinac xardhan yahay  dhinacna cadaan yahay.Jajabkaas ayaa la  ruxruxaa oo  daba deed dhulka lagu sii  daayaa.Haddii dhinac isku mid ah ay u dhacaan warfac  ayaa la yidhaahda a. Mararka qaar se waxa dhacda in midh ama kabadaniba ganaf isku  taaga ao  oo u u dhiciwaayo. Marka ay sidaa noqoto, waxa la yidhaahdaa “ligan”. Maada ama  normal uu xisaabta iyo fisikadaba yahay nooc perpendicular =qotome ah sidaa s ayaa ,kolka, loogu bixiyey “ligane” …….”

 

Hodantinimada afkeenu in la soo bandhigo oo la hirgaliyo ayuu kaalin mudan oo mug leh ka qaatey marxuum Maxamed Cilmi, Qoraal dhan  oo ku suntan “Afkeenu Hodansanaa, Ummadiisuna hiil yaraa” ayaanu arintaa ku soo bandhignay oo helitaankiisu fudud yahay.Hase yeeshee qoraalkan waxaynu  u banbaxeynaa in aynu isla wadaagno in yar oo dul ka xaadis ah, naguna  ah hal-ka haleel kuna saabsan sooyaalkii nololeed ee marxuum Maxamed Cilmi Bulaale…..

Xilli ku beegnayd  bishii Juun,gu’gii 1942kii ayaa  Aabo Cilmi Bullaale  iyo hooyo Raxma Diiriye (Illaahay labadaba ha u naxariistee) uu wiil ugu dhashay magaalada Sheekh.Waxa ay labadaa waalid wiilkooda  ugu  wanqaleen Maxamed. Waxa la dhashay oo ay walaalo yihiin mudanaha  afar inan iyo saddex hablood. Waxbarashada asaasiga ah iyo ta hooseba waxa uu ku qaatay Dugsiga Hoose ee Sheekh iyo Dugsiga Dhexe ee Sheekh  gu’yaashii 1952kii-1959kii  .

Dayrtii 1959kii ayaa Maxamed waxbarashada dugsiga sare ka bilaabay Dugsiga Sare ee Caamuud ee gobolka Awdal ku yaala iminka.Hase yeeshee bishii Maarso,1960kii ayaa dugsigii sare ee Caamuud gebi ahaantiiba loo raray Magaalada Sheekh oo dugsi cusub laga dhisay. Waxa uu Maxamed dugsiga sare ee Sheekh ka qalinjebiyey gu’gii 1963kii.

Dugsiga sare dabadeed, waxa uu Maxamed  ka hawlgalay dugsiga dhexe ee Sheekh.  Muddadii u dhaxeysay bishii November 1963kii  ilaa bishii Maayo 1964kii, wuxuu ka dhigi jiray  maadooyinka Fisigiska iyo Xisaabta. Goor ku beegnayd bishii Juun 1964kii  ayuu Marxuum Maxamed Bulaale tegey Xamar halkaas oo muddo sannad ah uu ka shaqeeyey. Dayrtii 1965kii ayaa  uu Marxuum Maxamed Bulaale waxbarasho jaamicadeed ugu baqoolay wadanka Maraykanka, gaar ahaan magaalada  New York.

Dalka  Maraykanka ayaa xilligan  siin jiray deeq waxbarasho wadamada Afrikaanka. Waxaa markan ku guuleystay deeqdaa oo ka gudbey imtixaankii dhinaca dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya afar ardey.  Ardeydaa ayey ka mid ahaayeen  Barre Sare Maxamed iyo Dr  Cismaan Sh. Axmed. Deeqdaa waxaa xilligaa Afrika ka helay 200 ardey. Waxaa ardeydaa la dajiyey gobolka Vermont ee cariga Maraykanka, si ay laba toddobaad ugu qaataan  aqoonta  looga baahan yahay qof dalkiisii ka baxey, dal shisheeyena wax ku baranaya dhaqan ahaan, (Experience for International Living) etc.

Waxaa ardeydaa ka  kala imanaya  dalalka Afrika ay ku kulmayeen Nayroobi, Lagos, iyo Dhahar.  Diyaarada ay soo dirtay dawlada Maraykanku ayaa isku soo mareysay goobahaa, kana kala  soo qaadeysay. Marxumm Maxamed wuxuu ka mid ahaa kuwa u baqoolayey Nayroobi.

Waxa uu Marxuum Maxamed Bulaale ka  qalinjabiyey  jaamacadda New York University bishii May 1969kii,helayna shahaadada koowaad ee BA, isaga oo ku takhasusay maaddada  xisaabta.

Markii uu jaamicadda ka qalinjebiyey dabadeed ayaa uu Marxuum Maxamed Bulaale bishii  Diisembar 1969kii  ku noqday  Jamhuuriyaddii  Soomaaliya uuna ka  mid noqday  barrayaasha Kuliyada Waxbarashada ee Lafoole.Bare Maxamed waxa uu Kuliyadaa Lafoole ku sugnaa  hal sanno,waxaana loo badaley  in uu bare xisaabta dhiga ka noqdo Dugsiga Sare ee Banaadir, kuna yaalay magaalada Muqdisho.

Gu’gii 1973kii ayaa waxaa Bare Maxamed noqday gudoomiyaha Kormeerka Guud ee dugsiyada  Wasaaradii Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.Xilkan waxa uu Maxamed hayey  ilaa 1976kii.  Waxaa marka  waxtar weyn laga geysanayey kaalmeynta dadkii danwadaagaha ee dhibaatadii abaaruhu wax yeeleeyeen, waxaana marxuum Maxamed  loo badaley inuu noqdo agaasimihii tababarka ee Hay’adii Danwadaagaha, jagaadaas oo uu hayey ilaa 1977kii.

Gu’gii 1977kii dabayaaqadiisa ayaa mar labaad marxuum Maxamed dib ugu noqday Kuliyadii Waxbarashada ee Lafoole isaga oo noqday hormoodka  kuliyada ee ku  taalay magaalada Afgooye. Muddada xilkan uu hayey waxa kale oo barre sare Maxamed garab wadey  in uu sidoo kale ka dhigo  xisaabta isla kuliyadaa.

Dayrtii 1979kii  ayaa bare Maxamed deeq waxbarasho ku tegey Jaamicada UCLA ee ku taala   gobolka Kaalifoorniya  ee  carriga Maraykanka; waxbarashadaasi oo ku qaadaneyey shahaadada sare  ee labaad (MA)  uuna wadey  ilaa horaantii 1981.

Maxamed u baqoolay gu’gii 1981kii  dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya, kuna noqday barista xisaabta ee kuliyadii Lafoole,isagoo wali xilkii maamulkana haya.

Gu’gii 1982kii  dhexdiisa ayaa  Maxamed loo magacaabay  xilka Guddoomiye ku Xigeenka Jaamicadda Ummadda iyo guddoomiyaha guddiga  Cilmibaadhista ee Jaamicaddii Ummadda.Hawshan oo uu hayey ilaa 1987kii,waxaa u dhexeeyey in :

-Bishii Maarso ilaa Juun 1983kii uu safar waxbarsho  ku saabsaneyd maamulka jaamicadeed (University Management) ugu baqoolay  gobolka Kalifoorniya  ee carriga Maraykanka, labadaraadle jaamicada  UCLA.

– Bishii Janaayo ilaa Diisamber 1986kii oo  uu waxbarasho  luqada Af-talyaaniga ah  u tagey  machadkaa  Politechnico Internazionale per lo Svilluppo Industrie ed Economico,Jesi , iyo Universita’ per Stranieri,Perugia ee dalka Talyaaniga. Waxa  safarkan waxbarashada afka Talyaaniga ku whelinaysey xaaskiisa  aqoonyahan Aamina Xaaji Aadan Yaaxeen.

Markii uu waxbarashadii Afka Talyaaniga uu ka soo noqday bishii Janaayo ee 1987kii wax uu ku soo beegmay Siyaasadii Soomaaliya oo cakiran,dadka Somaliland u dhashayna aad loo cadaadinayo. Looma dayn in jagadiisii Jaamacadda uu dib u hanto balse shaqadii ayaa laga joojiyey. Hase ahaatee,saddex bilood dabadeed waxa lagu magacaabay guddoomiyaha  Machadka Maamulka Horumarinta iyo Maaraynta (Somali Institute for Development Administration) loona soo gaabin jiray “SIDAM”. Xilkan wuxuu hayey  ilaa 1990kii.

Kuliyadan waxaa la asaasey horaantii Lixdameeyadii.Waxaana la odhan jiray xilligaa magaceega SIPA(Somali Institute of Public Administration).Waxaana kaalin mug leh ka qaatey hay’adda  ILO( International Labour Organization).Waxaa kaloo kaalmo laxaad leh la garab taagnaa jaamicadaha Maraykanka oo ay ka mid tahay ta  magaalada Fresno (Fresno University).Xilligan waxaa furfurmay xidhiidhkii dawladii Soomaaliya iyo dawlada Maraykanka.Waa xilliyadii ay suurtogashey in ardey badan oo Soomaali ah (badankooda waxay ka soo jeedeen wadanka Somaliland) ay u suurtogashey inay deeq waxbarasho ka helaan dawladii Maraykanka. Ardeyda ka soo baxa  dhinaca Soomaaliland ayaa  ahaa kuwa ka gudbi kara imtixaanada la qaado, waxaanay ka  mid ahaayeen hormoodka  dalalkii ku jiray  barwaaqo sooranka (Commonwealth). Waxaa ardeydaa ka mid ahaa Maxamed Bulaale,Ibraahim Maygaag Samater(IHUN), Cali Khaliif, iyo Maxamuud Cabdi Dacar oo iminka ah safiirka  Soomaaliland ee magaalada Buruusels oo laga hogaamiyo midawga Yurub.

Marka laga yimaado Wasaarada Waxbarashada oo uu Maxamed ka soo qabtey xilal kala duwan ee barre, kormeere, maamul,iyo cilmi baadhe waxaa u dheeraa inuu  shaqooyin kala duwan ka soo qabtey qaybo kala duwan oo ka baxsan wasaaradaas .Shaqooyinkaas waxa ka mid ahaa :

-1964kii – 1965kii  inuu noqday Sahamiye Mashruuca Sanduuga  Gaark ah ee Qaramada Midoobay/Ururka Cuntada iyo  Beeraha  ee “sahaminta beeraha iyo  biyaha”.(UN special Fund/FAO agriculture and Water Survey Project.) .Waxa uu Kaaliye Sahamiye (surveyor Aide) u ahaa Injineerka Waraabinta ee Mashruuca (Surveyor assistant to Project Irrigation Engineer)

*Xagaagii 1967kii ayuu tababar shaqo ka sameeyey Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta  ee Magaalada New York (New York City Housing and Development Administration).Xilka uu ka hayey  wuxuu ahaa Kaaliye kormeer guryayn (Housing Inspector  Aid) . Xilkani  waxa uu ahaa soo ururinta tirakoobka guryaha wadeecoobay (rundown or dilapidated housing units).Wuxuu  fursad u heley in uu la kulmo oo islana sawiro Mayor John V. Lindsay oo aad loogu jeclaa magaaladaas, mar uu soo booqday xarunta Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta.

 *Xagaagii 1968kii  :Tababar shaqo ayuu ku sameeyey Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta  ee Magaalada New York (New York City Housing and Development Administration).Xilkiisuna waxa uu ahaa  Kaaliye tirakooba (statistician Aide).

*Dayrtii 1969kii tababar shaqo ayaa uu ka sameeyey Urban Design ee magaalada Detroit. Tababarku waxa uu ku saabsanaa xog ururin guryaha kharaaba (data collection of housing decay)

*Cilmibaadhis iyo Qoraalo:Waxa uu  ka qaybqaatay cilmibaadhis wadareed iyo daabacad mashruuc buug soo saarid oo  ay u  igmatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Xilalka  gaarka  waxay ahaayeen buug qorid dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare. Mashruucan waxa uu xuu ka ahaa gudoomiyaha Guddiga Xisaabta. Maaraynta guddiga ka sokow, qorista kutubta ayuu ka mid ahaa waxana uu ahaa dhilaha (editor) qoraalada xisaabta, waxaana  uu  ka mid ahaa guddiga gudoomiyeyaayasha gudiyada buug qoraalada ee la shaqeeya Xafiiska Manaahijat ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Labadaraadle waxa uu qore -wadaag (co-author) ka ahaa: Xisaabta Fasalka 6aad  iyo   Xisaabta dhamaan fasalada kala duwan ee Dugsiyada Sare

*Waxa uu guddoomiye ka ahaa Kooxda Dersida waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Kooxda waxa loo igmaday in ay sadaaliso koritaanka waxbarasho iyo baahida macallinnimo ee dugsiyada. Tani waxa ay koobaysey in si qoto leh loo indha-indheeyo baahida macallinnimo, shaqaalaha taageero (support staff) iyo sida koritaanka waxbarashadu u saamaynayso tababarist macallinka.

*Waxa uu diyaariyey: Oddoros cunwaankiisu yahay ifafaalaha  waxbarasho: 1976- 1986.    (Education Prospects: 1976- 1986) Daraasaddani waxa ay oddorosaysey sida waxbarashadu dalku tobankaas sannadood u jaanqaadayso, marka laga eego xag arday, macallin, tabar macallin, baahi dhismo, maamul iyo miisaaniyadba.Waxa iyaguna jira warbixino iyo daraasado uu u diyaariyey Wasaaradda Waxbarashada  iyo Barbaarinta, Wasaaradda Ttaclinta Sare, Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed,  Machadka SIDAM iyo Hey’adda Danwadaagaha.

*Bare  Maxamed  iyo Maxamed Saciid Samatar oo bare ka ahaa Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jammacadda Ummadda waxa ay wadajir warqad (paper) ugu diyaariyeen madal ra’yi qaad (Symposium on Khat) oo cinwaankeedu ahaa Raadka qaadku ku leeyahay dhaqaalaha qaranka (The effects of Khat on the National Economy). Xamar, 1983

*Intaas waxa weheliya shirar tacliimeed ama hawleed oo uu ku tegey dalal ka tirsan, Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe, Yurub iyo Maraykan

Maxamed Bullaale ayaa   ka mid ahaa aqoonyahanada reer Soomaliland ee leh mudnaanta dheeraadka.Wuxuu ahaa  gudoomiyaha ururka  Sopra.Waxaa lagu tilmaamaa Maxamed inuu ahaa  aqoonyahan  aad u afgaaban,hase yeeshee markuu  hadal u holaddo dhaguhu jeclaystaan dhageysigiisa.

Xasan Cabdi Madar oo ahaa agaasimaha  wasaarada madaxtoyada ee Soomaaliland kana mid ahaa ardeydiisaa ayaa yidhi: “Maxamed Cilmi Bullaale wuxu noo ahaa maamule sare.Runtii waagaa waa la iska yaraa, madaxdana xidhiidh badan lalama samayn jirin, bale mararka aan xafiiska ugu tago si gaar ah buu ii soo dhoweyn jiray. waxa is kaaya baray Cali dheere (AUN) oo ahaa agaasimaha maamulka iyo lacagta. Bullaale nin aad u deggan oo aqoonyahan ah buu ahaa.Nin dadka dhegaysta oo aan iska weyneyn buu ahaa”.

Muddooyinkii u dabeeyey wuxuu  Maxamed Bulaale ahaa  tabeeye  maadada xisaabta ka yahay kuliyada  Orange Coast College ee gobolka  Kalifoorniya.Waxa u dhaxdey aqoonyahanadda  Aamina Xaaji AadanYaaxeen oo buuni ( professor) ka ah Orange Coast College,Illaahayna ugu deeqay inankooga Raage.

Waxaa   muddo aan sidaa u sii badneyn u jiifay xanuun. Hase yeeshee bishi Febraayo 18, 2017 ayuu barre sare Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale ku geeriyooday magaalada Anaheim, ee degaanka Orange County, kana tirsan gobolka California ee cariga Maraykanka. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo xaaskiisa aqoonyahan marwo professor Aamina Xaaji Aadan iyo Yaaxeen iyo inankiisa Raage.. Sidoo kale  Ilaahay  helekiisa iyo dhamaan bukshada Soomaaliyeed gaar ahaana ummada  reer Soomaaliland samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga wada siiyo…. Ilaahay  ha ugu deeqo adoonkiisa marxuum Maxamed Bulaale Jannatu Fardawsa.. Aamiin ..Aamiin 
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
http://www.farshaxan.com   ama  http://www.farshaxan.org
 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso