Musuqmaasuq Iyo Maamul Xumo Hadhaysay Xafiiska Dib U Habaynta Maaliyada Ee Wasaarada Maaliyada.(Pfm Office).

Musuqmaasuq Iyo Maamul Xumo Hadhaysay Xafiiska Dib U Habaynta Maaliyada Ee Wasaarada Maaliyada.(Pfm Office).

By:Abdi Daakir

Somaliland waxa ay u baahantahay dib u habayn xaga nidaamka maaliyada ah si loola dagaalamo musuqmaasuqa, hufnaantana kor loogu qaado.

Waxase dadaalkii bulshada caalamka hadheeyay musuqmaasuq xadhkaha goostay oo ka jira xafiiska dib u habaynta maaliyadeed (PFM) ee wasaarada maaliyada,ee Baanka aduunku maalgaliyay.

Oday talax gab ah oo lagu magacaabo Samatar ayaa xafiiska haysta,isagoo kalsooni ka haysta inaadeertii Zamzam cabdi aden. Si wadajir ayay xafiiska ooga shaqaalaysiiyeen caruurtooda iyo qaar ay wax u yihiin,lacagtii baanka aduunku ugu talo galay horumarinta  nidaamka maaliyadana waxa ay kula baxeen tobabaro aan la qaban,workshops aan la qaban,iyo la taliyayaal aan la qoran,balse hab caaglayn ah lacagtoodii loo kala goostay.

Xafiiskii laga filayay in uu la dagaalamo musuqmaasuqa iyo maamul xumida ayaa noqday hormoodka musuqa iyo xatooyada Somaliland. Ninka Samatar la yidhaa oo ah oday aqoon duugoowday la soo kuurura ayaa waxa uu ka soo jeedaa jifada hoose ee wasiirada maaliyada Zamzam cabdi aden,waana isku reer Axmed nuux.Samatar waa shakhsi aan ku haboonayn maamulista xafiiskan oo kale.

Waxaa wax  ka sii xun ,waxa ay sanadkii u qoondaysay $400,000  dollar oo miisaaniyada dawlada loogu daray ,oo aan wax lagu qaban balse labadoodu kala goostaan.

Nidaamka shaqaalaysiinta ee mashaariicaha baank aduunku maal galiyo dhamaan hab qabyaaladaysan oo musuqmaasuq hadheeyay ayaa lagu qortay,hadii aan wax laga qabana waxa aanu toos ugu qori doonaa waraaqo isdaba jooga xafiiska bangiga aduunka ee Washington DC.

 

By:Abdi Daakir

Abdi holds masters in finance, banking and regulation

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso