Qaybtii 3aad : Maxay Dalalka Qaar ugu Guul Daraysteen Horumarka Dhaqaale

Qaybtii 3aad: MAXAY DALALKA QAAR UGU GUUL DARAYSTEEN HORUMARKA DHAQAALE

Qore: khadar Daa’uud cabdi

Sharaxaada guud ee laga bixinkaro maxay dalalka qaar ugu guul daraysteen horumarka dhaqaale waa mid inta badan eeda saaraysa dadka baahan(the poor): laakiin baahidu  waa natiijo ka dhalata hogaamin musuq ah (corrupt leadership) iyo dhaqamo dib u socodnimo (retrograde cultures) taasoo wiiqaysa horumarka. Si kastaba ha ahaatee habka dhaqaale waa mid ka kooban qaybo badan oo wada socda kuwaas oo keeni kara dib u dhac haddii qayb kamid ah uu qalad galo.

Dhaqaale yahanada badankoodu waxay ku soo ururiyaan waxyaabaha keeni kara dib u dhaca dhaqaale ama inuu dhaqaalihii noqdo mid taagan (stagnant) siddeed arimood. Kuwaas oo kala ah:

  1. Xaalad baahiyeed oo horjoogsata koritaankii dhaqaale (poverty trap)

Dhibaatooyinka ugu badan ee haysta dalalka faqiirka ahi waxay tahay in baahida lafteedii ay tahay dabin aan laga gudbi Karin. Tan macnaheedu waxa uu yahay marka ay baahidu tahay mid daran (extreme poverty), qofka faqiirka ah way ku adagtay inuu ka baxo xaalada xun ee uu ku jiro. Sababtuna waa tan; waxaad sawirataa baahida sababtay qofku inuu waayo hantidii asaasiga ahayd (capital per person). Magaalooyin sabool ah oon lahayn gaadiid (trucks), waddooyin xaadhan ( paved roads), wax ay tamar ka helaan (power generations), waraabiyayaal (irrigation channels), isla mar ahaantaana ay aad u hoosayso dadka xirfada iyo aqoonta lihi (human capital), gaajo iyo xanuunna uu u dheer yahay ee aan  waxna qorin waxna akhriyin ee hadana la halgamaya siday u noolaan lahaayeen. Iyadoo intaa aynu kor ku xusnayba ay jiraan hadana ay u dheer tahay inay xaalufiyaan degaankii iyo ilihii dabiiciga ahaa ee alle ugu deeqay (depletion of natural capital) sida dhirta. Xaaladahan way iska caddahay in loo baahanyahay hanti badan – qalab, dad xirfad leh iyo ilo dabiici ah intaba- intuba waxay u baahan yihiin kaydsi dhaqaale (saving) oo lagu horumariyo. Dadka ama dalkuna haddii uu noqdo mid ay ku habsadeen dhibaatooyinkaa aynu kor kusoo sheegnay waxa dhab ah in aanay jirin wax kayd ah oo uu mustaqbalkiisa ku horu marinkaraa balse arinkiisu uu yahay sidii uu u noolaan lahaa (survival).

Tani waa sababta ugu wayn ee keentay kuwa ugu faqiirsan kuwa faqiirka ahi inay noqdaan qaar u bandhigan hoos u dhac ku yimaada marwalba koboca dhaqaale (low or negative economic growth).

  1. Bii’ada dhul ahaan aad ku beerantay (physical geography)

Kol haddii aynu soo aragnay in baahidu ay kamid tahay waxyaalaha keena ama sabab u noqon kara dib u dhaca dhaqaale, waxa iyana aan meesha ka madhnayn inaynu xisaabta ku darsano in dalalka aduunku ay ku kala duwan yihiin cimilada, khayraadka dabiiciga ah, masiibooyinka dabiiciga ah iyo qaab dhismeedka dhul ahaan iyo dad ahaanba. Tusaale ahaan, dadka maraykanku waxay aamin sanyihiin inay shaqaysteen hantida qaninimada (wealth). Balse waxay ilaaween inay dhaxleen qaarad  qani ku ah khayraad dabiici ah, oo leh carro san, roob fiican, wabiyo qulqulaya iyo xeeb kumanaan mayl ah oo leh dekeddo badan oo u sahlay ganacsiga dunida kale sidoo kalena ay ka buuxaan khayraad dabiici ahi.

Wadamada kale sidan oo kale uma aha qaar u sahlan. Dalalka  saboolka ah badankoodu waa dhul ay xayyireen kharashka isu socodka (transportation cost) amaba ah dhul aan bad iyo dekeddo midna lahayn (land locked) ama ah buuralay aan lamari Karin. Balse casrigan manta lajoogo dhibaatooyinkaa badankoodu waa qaar laga gudbi karo ama laga gudbay marka la eego sida ay u fiday isgaadhsiinta iyo isu socodku, tan oo keentay in alaabta casriga ahi isaga gudubto qaarad ilaa qaarad dhamaan dalalka dunida oo dhan. Arinkaasi wuxuu meesha ka saarayaa fikradii ahayd bii’adu (physical geography) inay kamid tahay waxyaabaha keeni kara dib udhaca dhaqaale ee dal sidii barigii hore la aaminsanaa, laakiin dhibaada ka jirta meel kamida deegaanada dhulku waxay u baahantahay in maal gelin dheeraad ah la sameeyo oo aanay samaynayn dhulalka alle ugu deeqay khayraadku.

  1. Xaalad dakhli xumo (fiscal trap)

Xataa marka aanu dhaqaalaha gaarka loo leeyahay xumaanin, hadana dawladu waxay waayi kartaa ilihii dhaqaale ee ay ku bixin lahayd kaabayaasha dhaqaaluhu ku tiirsanyahay. Dawladuhu aad bay ugu adagyihiin maalgelinta hantida guud iyo adeegyada dad waynaha sida caafimaadka, waddooyinka, dekeddaha iyo wixii lamid ah. Sidaa darted dawladu waxay ku waayi kartaa kharashkii maaliyadeed ee ay ku maal gelin lahayd adeega guud, saddex arrimood midkood: waa tan koowaade, haddii dadkii dalkaa ka shaqaysanayay uu caydhoobo ama dhaqaalahoodii hoos u dhaco waxa adkaanaysa in cashuurtii larabay laga helo. Waa ta labaade, haddii dawladu ay tahay mid aan xirfad u lahayn dakhli ururinta ama ay tahay mid musuqmaasuqaysa wixii bulshada laga soo ururiyay iyana suurto gal maaha in lamaalgalyo danta guud ama dakhli lahelo. Arinta saddexaadna,  waa in dawladu ay qaadato dayn badan (tremendous loud of debt) oo ay markaa dakhligii soo galay ama cashuurtii dadka u isticmaasho dayn bixin halkii ay maal gelin cusub ku samayn lahayd. Xaaladahan aan soo shegnay waxa lagaga bixi karaa oo keliya daynta oo labixiyo ama la dhaafo ama aan marka hore la qaadan (debt cancellation) si dalku u bilaabo dariiqa dhaqaale korka/horumarka.

Lasoco qaybaha kale………..

By: khadar Daa’uud Cabdi

Tel: 063-4060400

E-mail: khadar.daud@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso