Fahad Yasin: Qadadii Xamar Ee Uu Sheegay 2003kii Bislaan Wayday

 

 

Fahad Yasin: Qadadii Xamar Ee Uu Sheegay 2003kii Bislaan Wayday

 


Hiqlaynta Riyaaqa,

Fahad & Sakariye waa  laba nin oo si isku mid ah been uga sheegay waaqiciga runta ah ee ka jira JSL
.

Fudayd u Hilowga,
Hubsiimo La’aanta,
Haloosiga Luuqda.

 

Fahad Yasin oo lagu tilmaamo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Shoodhe Afweyne ayaa sanadku markuu ahaa 2003 oo ku beegnayd waagii Cabdisalaan Qaasim la doonayey in Somalia khasab loogaga  dhigo madaxweyne, ayaa wuxu warbixin ku sheegay in madaxweynahaas aad looga taageersanyahay Somaliland. Wuxu warkiisaa markhaati usoo qaatay aqoonyahan  reer Hargeysa ah oo usoo waramay oo, sida uu ku andacoonayo,  Somaliland   ku tilmaamay beerkii qadada lagu sugayey. Fahad waagaa ,2003, wuxu saadaaliyey Somaliland oo sida Somalia jab iyo hoog weheshata.

 

Allase kama dhigin oo qadadii uu lahaa waa la sugayaa, oo Xamarbay ka karsameysaa bislaan wayday. Alxamdulilah, Reer Somalilandna waagaas intii ka dambeysay,  way quraacdeen oo qadeeyeen oo casheeyeen oo waliba qaxweeyeen. Madaxweynihii kolkaa uu sakhirayey iyo kuwa  badan oo ka dambeeyey oo Somalia loo macmalayna faashilbay ku wada dambeeyeenn.

 

Maqaalka uu Fahad 2003 qorey halkan ka akhri   http://www.somaliatalk.com/fahad/sland.htm  

Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi wuxu ka mid yahay xildhibaano ku sheega waqtigan xaadirka ah iska dhex fadfadhiya golaha  ku caanka ah dilaalnimada iyo baayacaada codadka ee ka jira Xamar. Sakariye wuxu ka mid yahay xerta Shoodhe Af-Weyne(Jaalle Farmaajo) sakhirta ee ku sifeysa Awliyo Eebaheen usoo diray Somalida. In Shoodhuhu wali yahay isna wuxu markhaati uga dhigay tilifoon uu sheegay in uu ka helay nin kalasoo xidhiidhay Hargeysa oo tilmaanta uu ka bixiyey Jaale farmaajo ku timaamay ninkii dhameynayey qaska iyo jahawreerka caalamku u caalwaayey ee ragaadiyey Somalia. Sakariye waa nin munaafaqad badan. Wuxu odhan jiray waligay tagi mayo xilno ka qaban mayo Somalia inta ay ciidamo shisheeye ahii joogaan, laakiin iyadoo aan shuruudaasi hirgallin ayuu maanta Xamar joogaa xildhaana ka yahay.

 

Hoos ka daawo Sakariye oo Shoodhe Af-Weyne ku tilmaamaya Awliyo Alle:

Gaar ahaan daqiiqadaha u dhexeeya:  4: 58  illa  7:40

https://www.youtube.com/watch?v=Bzn0qhsg1mg    

 

Xataa jibadii reer Somalia ee”Aar Farmaajo ii geeyadaii ” soo gudhay oo runtiiba la taabatay. Waxa durba la ogaaday in Shoodhe Af-Weyne aanu dhaamin kuwii hore ee wadanka loosoo macmalay , hadaanu kaba liidan.

 

Jibbadaasu waa tii uu sheegay Abwaan Hadrawi 1982 ee uu lahaa:

 

Shirqool  hadiwaaga,
hiqlaynta riyaaqa,
fudayd u hilowga,
hubsiimo la’aanta,
haloosiga luuqda,
hawaawi la boodka,
hanuun la jiboodka,
dhurwaa halab saarka,
waraabe u heeska,
hufnaanta kashayda,
nimaan hibo saaray,
xariir ku habsiiye,
markuu halhaleelka,
anoo hadhsanwaaye,
isoo hungureeyo,
hugaansi xishoodka,
sidii habloweynta,
in aan hanqalkayga,
u soo rogo hoosta,
IN AF LAHAARKA,
HARAATI KU JIIDO.

Sakariye iyo Fahad Yasin oo beel ahaan meel ka soo wada jeedaa waxa ay ka mid yihiin dhallinyaradii ku soo ababtay ee sadbursiga ka heshay Jaale Farmaajo(Shoodhe Af-Weyne) adeerkii. Waa niman daydayeya waqtigii u wacnaa ee u wanaagsanaa ee soo dhaafay. Waxase aany ogayn in taasu ay tahay gabal dhacay oo aan soo laabaneyn.

 

Allaa mahad Leh

Omer Dheeg

<dheegsomaliland@gmail.com>

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso