Qaybtii 1aad: MAXAY DALALKA QAAR UGU GUUL DARAYSTEEN HORUMARKA DHAQAALE Qore: khadar Daud Abdi

Qaybtii 1aad: MAXAY DALALKA QAAR UGU GUUL DARAYSTEEN HORUMARKA DHAQAALE

Qore: khadar Daud Abdi

Dadka dunida korkeeda ku nool oo tiradooda ugu dhawaan lagu qiyaasay 7 bilyan oo ruux, 5 bilyan oo kamid ahi waxay cagta saareen ama ugu yaraan ay gaadheen mareegta koowaad ee horumar dhaqaale. Lixmeelood marka dunida loo qaybiyo shan kamid ahina waxay koru uga kaceen baahidii darnayn ama saboolnimadii(extreme poverty). Sidoo kale 4.9 bilyan oo qof waxay ku nool yihiin dalal celceliska dakhliga qofku (GDP per person) uu kor u kacay intii u dhaxaysay 1980 ilaa 2000. Islamar ahaantaana dad ku dhaw 5.7 bilyan  ay ku nool yihiin dalal celceliska qofku ku noolaankaraa (life expectancy) ay kor u kacday. Horumarka dhaqaalena uu yahay mid dhab ah oo ku fidaya dunida oo dhan. Xaddiga baahida ba’anina ay tahay mid sii yaraanaysa, marka loo eego tiro ahaan (absolute numbers) iyo saami ahaanba (as proportion) dadyawga dunida korkeeda ku nool.

Hadaba haddii aynu u soo gondo-degno mawduuceena waxaynu si kooban u odhan karnaa horumarka dhaqaale waa mid ka shaqaynkara dhamaan qaybaha kala duwan ee dunida,  sidaa darteed waxa muhiimka ahi waa in lafahmo oo la xaliyo dhibaatada meelaha uu ka shaqayn waayay koboc/horumar dhaqaale.  Si aynu u fahamno sababta ama sababaha koboca dhaqaale(economic growth) uu u guulaysto ama u guul daraysto waa inaynu dhisnaa hab ah fikrado isku xidhan(Conceptual frame work) kuwaasoo keenaya inaynu ku xisaabtami karno isbedelka celceliska dakhli ee qofka (GDP per person) soo gala muddo.

Si aynu hadaba taa isula fahamno bal aynu tusaale ku bixino reer ama qoys beeralay ah si ay inoogu soo dhawaato sida dal ama qaran uu dhaqaalihiisa u kobcin karo ama u horumarin karo, waayo waxaynu ognahay in qaranku ka kooban yahay qoysas isu tagay oo wadaaga dal iyo dawlad midaysa oo maamusha. Waxa kale oo haboon inaynu maskaxda ku hayno in koboca/horumarka dhaqaaluhu uu u baahanyahay in laga wada qaybqaato sida aynu tuusalaha ku arki doono ee aanu ahayn shay ama wax ay dawladi kaligeed keeni karto.

KOBOCA DHAQAALAHA QOYSKA

Waxaad kasoo qaadaa qoys ka kooban aabo, hooyo iyo afar caruur ah oo ku nool beer yar oo cabirkeedu dhanyahay 2 hektar. Reerkaasi waxa uu beertaa galley waxaanu ku noolyahay guri yar oo cariish ah. Baahida daran ee reerka haysa waxay cunaan waxa ay beerteen oo ah galley mana soo gasho wax lacag ah sanadaha  intooda  badan. Caruurtu waxa ay soo guraan xaabada si wax loogu kariyo, waxay sidoo kale soo dhaamiyaan biyaha ay reerku cabayaan.

Sanadkan  reerkani waxa uu soo saaray oo beertii uga soo go’ay afar tan (four tons)oogalley ah. Hadaba inkastoo reerkani uu quuto waxa uu soo saaro hadana dawladu waxay reer kan u diwaan galisay inuu soo saaro dakhli markii ay galleydii ku qiimaysay qiimihii suuqa. Waxaad kasoo qaadaa in halkii tan ee kasta ee galleyda ahaa lagu iibiyay $150. Sidaa darteed dakhliga sanadlaha ahi (annual income) wuxuu noqonayaa $600($150 per ton times four tons), ama $100 percapita ($600 divided by six people)oo ah intii reerku ka koobnaa.  Markaa dawladii dakhliga ay reerkan u xisaabisay waxay ku dartay dakhligii reerii kale soo saaray kadibna korodhkii waxsoosaar ee qaranka(growth national product).  Sida aynu ka aragno tusaalahan in dhaqaalaha dal kordhaa waxay ku xidhantay in waxsoosaarka dadka ama qoysasku kordhaan.

Kol haddii aynu garanay in qoys walba looga baahanyahay inuu wax soosaarka kordhiyo si dhaqaaluhu u kordho,  bal hada aynu eegno waxyaabaha kordhin kara dakhliga qoyska beeralayda ah sida kaa aynu kor kusoo sheegnay oo kale ah.

  1. Dhigaal (saving)

Qoyskan waxa la gudboon inuu cuno ama quuto 3 tan oo kamida wax soosaarkiisa mid kamid ahna uu geeyo suuqa. Dakhligaa kasoo galay halkii tan ee galayda ahayd ee uu iibiyay ee qiimihiisu ahaa $150 waxa uu galin karaa meelo kale oo dakhli kasoo galo sida xoolo iyo wixii lamida, tan oo kor u qaadaysa wax soosaarkii qoyskaa.

  1. Ganacsi (trade)

Wuxuu beeran karaa oo uu ka barankaraa aduunka inuu beero midhaha ganacsiga gala sida biiniska(beans), digirta, sisinta iyo midhaha kale ee loo yaqaano cash cropska. Marka danbena taasi waxay keenaysaa inay beeralaydu sameeyaan dhaqdhaqaaq dhaqaale oo keenaysa in guryo fiicfiican la dhisto, dhar lasoo saaro, wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaale la dhiso, biyo galin lasameeyo, laydh la gashado  iyo in lasameeyo biyo iyo hab fayo dhawr oo wanaagsan.

  1. Teknoolojiyada (technology)

In la isticmaalo teknoolajiyada casriga ahi waxay sahlaysaa waxyaabo badan, waxaanay kor u qaadaysaa wax soo saarka gaar ahaan dhinaca beeraha oo waxay ka caawin kartaa caro gediskii, nafaqayntii carada,  waraabintii iyo xataa bacrimintii beerta.

  1. Kordhinta/fidinta ilaha (resource boom)

Waa in la isku dayaa in la helo dhul badan oo dihin oo la beeran karo, qof beeroolaha ahina uu helaa dhul ku filan oo uu beerto si uu waxsoosaarku kor ugu koco. Dawladuna waa inay dhulka yadu maamushaa oo ay siisaa ciddii wax kasoo saaraysa.

Lasoco qaybaha kale………..

 

 

By: khadar Da’ud Abdi

(MSc. Development Economics)

Tel:0634060400

E-mail: khadar.daud@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso