Jamhuuriyada Xanaaqa ! W/Q Mahdi Muse

Macalinka dhiga Dugsi quraanka, waa qofka ugu horeeya ee ay dhalaanku bartaan kadib labada waalid. ardeyga cusub ee la keeno Dugsiga, isla maalinta koowaad ba waxaa galaya dareen xun, oo ah in Dugsigu yahay xabsi, dhib & cadaab u joog ah, macalinkuna uu hoggaanka u hayo, asagoo ku muujinayaa falkaas Xanaaq & hadalo kulul oo cabsi galinaya ardeygii cusbaa. Tani waa qeyb ka mid ah Aaasaaska ay ku taagan tahay Jamhuuriyada Xanaaaqa.

Aabuhu inta badan ma faraxsana, kolki uu guriga joogo ama markuu imanayaba. Duruufta dhaqaale ka sokoow, Somaalidu dhaqan uma lahan in Caruurta lal kaftamiyo, in yar oo tirsan marki laga reebo. Waxaa ka sii daran in martida guriga Timaada ay dhalaanku ku farxaan, laakiin Adeerka & Abtiga Caruuurta u soo martiyay soo dhaweyn & waji furnaan toona lagama helo, iskadaaye maba ay oga in ay u yimaadeen Caruuur Madax salaax rabta. ogooow waa dhaqanka & Caadada Bulshada Jamhuuryada Xanaaqa Soomaaliyeeed.

Dugsigii Hoose marki la I qorayay, su,aalihii qiimeynta waxaa la socday hadalo & sawaxan cabasi leh, oo aan wali maskaxdeyda ka bixin, kuwaa oo iga masaxay dhammaan casharadii aan guriga ku soo bartay & tilmaamihii ay Aboowe & Abaaye i soo siiyeen. waxaase xaaladdan adag & muragadeeda i gudbiyay, oo aan hilmaameyn Macalin gaabooow oo si degan ii qaabilay, haddana ogolaaday in La igu qoro fasalka Koowaad ee Dugisigii hoose Dhexe ee Siyaaaaad (Madaxweynihii Jamhuuriyada Xanaaqa ee waaggaa)

Ogooow sheekadani waa Qarnigii tagay. ma xasuusto in Macalinku uu Jamhuuriyadaha Dibada wax ku soo bartay & in kale, Laakin waxaan hubaa in uuusan la dhaqan aheyn Macalimiintii wax ka dhigeysay Dugsiyadii Jamhuuriyada Xanaaqa , ha ugu horeeyo midkii su,aalaha igu taagay, oo aan filayo in uu ahaa Maamulihii dugsiga Hoose dhexe ee xaafadeeena, waxaana tuhmayaa inuu darajadaa ku gaaray ehel wadaaaga mid ka mid ah Xubnahii ugu muhiimsan ee Golahii Sare Jamhuuriyada xanaaqa.

Garoonka Cayaaraha Caruurta, waxuu ku yaalay Jiinka Guriga deriska ah. Jamhuuriyada xanaaqu malaheyn goob cayaareed dhalaanka u gaar u ah. waxaa Subaxa & galabta Jumcaha loo cayaar tagi jiray Xaafadaha Hortoooda & Gidaarka albaabka ku dhegan, oo uu jid xoogaa balaaran kala baro. waxaana loo qeybsmaa laba koox oo aan ka dhicin kooxihii Yurubta waagaa ugu caansanaa, sida Jeventus & Inter Milan. nasiib daro waxaa ah in wakhtiga badankii uu ku dhumo qax joogto ah oo marba jid la iska ceyrinayo. taas oo ka dhalata Xanaaq & coleyntan ku saaaqa dhalaanka soo bar-baarya. Waa jiilkii bari dalka hanan lahaa, laakin waa Jiil xanaaq & ciiil ku bar-baaray, jiiil lagu khasaaray dheh, jiilka Jamhuuriyada Xanaaqa Soomaaliyeeed.

Goobaha Madadaalada waxaa ugu caansanaa Shinoomiynkii Caasimada ku yaalay, inta badan Filimada la dhigaa waxaa loogu jeclaa kuwa dagaalka & jugta Qaxda leh. Odayaashi hore ayaa laga dhaxlay fikradan, waxaana loogu jeclaa FIimaadka Kaabooyga Mareykanka oo can ku ahaa Bililiqada & xoog sheegashada.

Hoggaanka Jamhuuriyadan waa muqadas, mid dhaqmeedka & xataa dowladnimo. Dhowr & labaatankii sano ay Jamhuuriyada xanaaqa gacanta ugu jirtay kacaanki Milatery, waxaa ka daran Dhaqanka & Ruuxda laga dhaxlay. dadku waa wada Madax. qofna qof wax uma ogola. waxaana la isla gaaray in Soomaalinimo dhunto, awoood & tabarna ay ka soo harto karaahiyada & naceybka Soomaalinimo, taa oo fududeysay in Taladii ay u gacan gasho shisheeye aan cidna u naxariisaneyn.

Bulshada Jamhuuriyadan, ma,ahan dad habacsan oo itaal daran, Gumeystahana u nugul. Waa dad dhiiran oo geesiyaal ah, laakiin Waxaa cududoodi salfaday Xanaaqa & kala faraaruqa dhexdooda ah, taa oo aysan ilaa hadda u helin tab & xeeel ay uga gudbi karaaaan.

Alloooow Bulshada Jamhuuriyada xanaaqa ur u bixi

 

Mahdi Muse
mahdimuse@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso