Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyahii Guddida La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Somaliland Axmed Maxamuud Madar Oo Is Casilay .

Gudoomiyaha Guddida La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Ee Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Madar ayaa si rasmi ah isu cassilay .

Gudoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Hoyga uu ka degenyahay Hargaysa, ayaa sheegay in uu Xilkii uu hayay iska Cassilay, isagoo sababna uga dhigay in Musuq-maasuqa ka jira hay’adaha dawladdu uu xadhkaha goostay, isla markaana Madaxweynuhu uu hadda ku amray in ay daba-gal ku sameeyaan hay’adaha Dawladda .

Gudoomiyuhu wuxu intaas ku daray in sababta muddada lixda sanno ah loo sameen waayay daba-gal, ee immika lo amray in ay sameeyaan Daba-gal, waxaanu amarkaasi ku tilmaamay mid dan gaar ah laga leeyahay .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso