Gudaha Ka Eeg :Agaasime XINIF Oo Hadalllo Aan Loo Meel-dayin Ku Tilmaamay Hanjabadda Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland Usoo Jeediyaan Laammaha Dawladda.

Siyaasiga Cabdikarriim Axmed Maxamed (Xinif),ayaa Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland waxa uu ku dhaliilay erayadda ay u is-ticmaalaan marka ay Xukuumadda la hadlayaan iyo Laamaha kale ee dawligga ahba;Sida Booliska,Komishanka Doorashooyinak Iyo Garsoorka Dalka.

Siyaasi Xinif,ayaa sheegay in Masuuliyiinta u hadla Xisbiyada Mucaaradka ah aanay ahayn qaar hadaladdooda u meel-daya,taas oo keenta inay weeraran cid aanay sharciyan awood-fullineed u lahayn inay weedho hanjabaado ah u ganaan.

Cabdikarriim-Xinif,ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu war-baahinta soo gaadhsiiyay,kaas oo u dhignaa sida tan; Waxa ku badan hadallada xisbiyada mucaaradka qaarkood kelmedahan soo socda:
1. waxaan uga digaynnaa xukuumadda
2. waxaannu kalsoonidii kala noqonnay Booliska
3. waxaannu kalsoonidii kala noqonnay Komishanka.

iyadoo mucaarad, muxaafid iyo bulshada caadiga ahba ay jid u leeyihiin ama ay sax tahay inay dareenkood ka muujiyaan waxay diidayaan iyo haddii dhibaato ay ku hayso xukuumad xilligaa jirtaaba, haddana waxa hadal aan loo meel deyin noqon kara isticmaalka weedha la isticmaalayo qaarkood sida kuwan aan kor ku soo sheegay,

  1. ilmihu waalidkii kuma yidhaahdo waxaan kaaga digayaa
    B. Ardaygu macaallinkiisa uma isticmaalo waxaan kaaga
    digayaa.
    C, askarigu taliyihiisa uma isticmaalo waxaan kaaga
    digayaa.
    D. qofka shaqaalaha ahi masuulkiisa kuma yidhaahdo
    waxaan kaaga digayaa
    kelmeddahan isticmaala cid ka sarraysa cidda ay la hadlayso oo haddii ay diiddo tallaabo ka qaadi karta,.
    waxa u furan inay si kale u dhigaan sida codsi, waxan ka codsanaynaa,
    talo, waxan kula talinaynaa ama ay nala tahay ama aannu u aragnaa IWM.

sidoo kale kalsooni waxa lagala noqdaa cid aad marka hore aqbashay ama ku joogta oggolaanshahaaga, sida guuddoomiye xisbi, xubin gole dhexe ama guddi fulineed marka loo raaco xeerka xisbigaa u yaalla, waxa jiri kara qaarkood aad codkaaga iyo kalsoonidaad ku dooratay oo haddana aanad kalsoonida kala noqon karin si uu u xilka uga dego, waxa ka mid ah madaxweyne aad si toos ah u dooratay, haddana si toos ah uma ridi kartid, laakiin waxa la jideeyey si kale oo ah in golaha wakiilladu soo bilaabaan sida xilka looga qaadayo iyadoo jaranjaro maraysa, dariiqaa ay marayso kuma jiraan afti dadweyne iyo mid xisbiyo toonna.

sidoo kale ciidammada maba jirto cid kalsooni kala noqon karta oo ay ku burburi karaan, cabasho waa loogu jeedin karaa habdhaqankoodu, hadduu xunyahay, akhlaaqdooda oo liidata, dadka oo si sharci darro ah ay ula dhaqmayaan, laakiin xataa taliyaha guud ee ciidamada waa laga caban karaa laakiin ma jiro xisbi ama shakhsi ama cid kale oo kalsooni kala noqon kartaa, laakiin ciddii xilka u magacawday way ka qaadi kartaa xilkii ay u egmatey oo ah madaxweynaha.

komishanku haddii uu sidii la rabey shaqadiisa u gudan waayo
sidii loogu igmadey waxa jira hab sharci ah oo kalsoonida loogala noqon karo iyo dariiq lii raaco, laakiin ma jiro xisbi odhanaya kalsoonidii waannu kala noqonnay oo sidaa ay ku dhacayaan, xisbise wuu odshan karaa xaqna wuu u leeyahay kuma kalsoonin, kalsoonidii aannu u haynney waannu ka werwersannahay, caddaaladdooda ama habka shaqadooda madmadow ayaa nagaga jira, laakiin kalsoonidii ayaannu kala noqonnay waa kelmed aan halkeedii munaasibka ahayd la dhigin,
waxay ku yimaaddeen xulasho saddex dhinac oo kala ah Madaxweynaha, Xisbyada Mucaaradka ah iyo Guurdida ka timi, haddana iyagoo isku dhan golaha wakiillada kalsooni loo weydiiyey qarkood way siiyaan qaarkoodna way diidaan, sidaasayna ku shaqo galaan kuwa goluhu oggolaaday kuwa uu diideyna lagu soo beddelaa oo kuwa ka danbeeyana dariiqii loo mariyaa, intaa wixii ka danbeeya xataa golihii oggolaaday markii hore ayaa ayaa hadday yidhaahdaan kalsoonidii waannu kala noqonnay aanay wax saamayn ah u yeelanayan hadalkaa goluhu ee sidoodii u shaqaynayaan komishanku.

waxaan ku soo gaabinayaa Horta intaydaan fagaarayaasha siyaasadda imanoo ka hadal ka horraysiiya barashada hadal waliba halka uu munaasibka ku yahay iyo heerkiisa, kala doordoorta odhaahaha, kala xusha weedhaha”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso