Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha Galmudug Oo La Doortay .

Waxaa goor dhawayd soo dhamaatay wareegii labaad doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen ilaa saddex musharax.

Wareega labaad waxaa isugu soo hadhay musharixiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo musharax Axmed Cali Hiloowle, waxaana ugu danbeyntii xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ku guuleystay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hellay 54 cod, halka musharax Axmed Cali Hiloowle uu helay 34 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Doorashada waxaa goob joog ka aha mas’uuliyiin ka socta dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Axmed Faarax Juxa iyo marti sharaf kale oo lagu martiqaaday.

Doorashadan ayaa ka danbeysay kadib markii uu is casilay madaxweynihii hore Cabdikariin Xusseen Guulleed oo ay kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada Galmudug.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso