Daawo: Madaxweyne Farmaajo Oo Si Heersare ah loogu soo Dhaweeyey Dalka Ethiopia iyo Raisal wasaaraha Dalkaas iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud oo Kaga hor tagay Madaarka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saacado ka hor ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa garoonka dayuuradaha Bole International Airport ku soo dhoweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Haile-mariam desilgn, Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Dr Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa uga bilaabatay booqasho Qaran oo labo maalmood ah qaadan doonta.


Hablo iyo wiilal xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha oo sidoo kale salaan sharaf ka qaatay kooxda baambeyda iyo ciidamada dalkaas oo hab maamuus leh u soo dhoweeyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso