Maxaad ka taqaanaa murtida iyo maahmaahyada soomaalida?

Maxaad ka taqaanaa murtida iyo maahmaahyada soomaalida?

Murti Iyo Maahmaahyo

Halkan waxaan idiinku soo gudbin doonaa qaar ka mid ah murti iyo maahmaahyadii soomaalida, iyada oo soomaalida la yidhi” Been way sheegtaa laakiinse Been ma maahmaado”.

Waxaan si qoto dheer u sharaxi doonaa maahmaah kasta oo aan kusoo qaato halkani.

1. Meel hoo doonaysa hadal waxba kama taro.

Waxa lagu maahmaaha marka uu arrin taagan yahay, aduun ama xoollo la dhiibo, dayn la isku leeyahay ha noqdeene ama deeq la is waydiisanaayo’e ee uu qofkii ama cidii wax laga doonayey in ay hadal wax ku duudsido ama dib u dhigto damacdo.

2. Mar I”dage Alla ha dago, Laba jeer” I dagase, Aniga ayaa is dagay.

Ninka maahmaahdan bixiyey waxa uu uga jeeday in ay suura gal tahay in uu qof mar isku kaa wanaajo, oo uu ku dago, hase yeeshee, hadii mar labaad uu riwaayaddii hore uu kuula yimaado oo kaaga muraad qunsado, adiga ayaa qof liita ah oo aan waxba ku wanaagsanayn, ama wax ragannimo ah lahayn. Maahmaahdu waxa ay dhiiri-gellinaysaa waayo-aragnimada.

3. Hal libaax arkaysaa ma godlato.

Maahmaahdan waxa loo adeegsadaa, marka ruux arrin laga dhawrayo, oo uu ruux kale tixgelinayo arragiisa ama joogistiisa ku diidayo ama kaaga meermeerayo. Odhaahdani waxa ay baxday (Sida la yidhaahdo) Wakhti ruux dumar ah madal markhaati loo keenay, hase ahaatee, ruuxa maraga lagu furayey oo ay qadarinaysay awgeed ay markhaatigii furi wayday.

4. Miro Guntin, ku jira kuwo geed saaran looma daadsho.

Maahmaahdan waxa loo isticmaalaa, ninka hanti gacantiisa ku jirta, ka hanqal taaga ee yidhaahda, mid meel kale lagu sheegaybaan haybinayaa.

Maahmaahadan ayaa waxa ay ku baxday markii niman midho guranaayey, nin ka mid ahaa tacabkiisii uu sitay ka hanqal taagay , ee yidhi/yiri kuwa geedkaas ku yaal baa aad u bislaaday oo aan soo guranayaa, kuwan horena waan iska qubayaa.

Lasoco Qaybaha Dambe

Wariye; Mustafe Ahmed (Samakaab)

Advertisement

Ku Xayeysiiso