Hargeysa(ToggaHerer):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa cisbitaalka Rambo ee Hargeysa ku soo booqday xoghayahii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI Md.Cabdifataax Siciid Barre oo maalmahii u dambeeyey u jiifay xaalad caafimaad ka dib markii ay ciidamada Booliska Somaliland u geysteen jidh dil aad u xooggan.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ay booqashadiisa ku wehelinayaan qaar ka mid ah saraakiisha WADDANI, ayaa ugu horreyn xoghaye Aftax ka xaal-wareystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegay in uu hadda aad u fiican yahay balse uu weli la xanuunsanaayo jugo badan oo ay soo gaadhsiiyeen ciidamada Boolisku.
Guddoomiye Cirro oo isna la hadlaayey bukaanka, ayaa waxa uu Alle uga baryey in uu caafimaad sareecan ah siiyo isla mar ahaantaana uu ka dulqaado dhibbaatada xanuunka ee soo gaadhay.