Dowladnimo & Dimoqraadiyadi Waxay Ku Dhimatay Xukuumada Kulmiye

DOWLADNIMO & DIMOQRAADIYADI WAXAY KU DHIMATAY XUKUUMADA KULMIYE:

. Waxaa Shacabka S/land is-weydiinayaan Maxaa Laga soo Dagaalamay?
. Maxaynu Doonaynay inuu Bedelno?
. Xagaynu Doonaynay inaynu Gaadhno?
. Maxaynu Maanta ku suganahay?

Waxaan Fili Jawaabta Waxgaradna waa og-yahay Doqona loo sheegi Maayo.

Anigoo ku Hadlaya Afka Xisbiga Waddani Qaarada yurub Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga loo Geystay 11/04/2017, Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Mudane Mohamed Sadiiq Dhame iyo Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani Mudane Yoonis Ahmed Yoonis. Saraakiishani Waxay ku jiraan weli Xabsiga iyagoon Wax dembi ah lahayn, Taas oo Maalmarsan Xeerka iyo Shuruucda Dalka u yaal.

30/04/2017 ayaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay xubin ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Waddani Mudane Abdullahi Ahmed oo loo yaqaan “Abdullahi Dahab”. Mudsne Dahab ayaa xabsigiisa loo maray si baalmarsan Xeerka dalka iyo Xoriyada Shaqsiba. Waxaa kaloo xusid mudan in Qabashada Mr Dahab loo Isticmaalay Rasaas nool oo Boqol Xabadood kor ku dhaafaysa.

Sifahani wuxuu meel-kudhac ku yahay Himilada iyo Rajada Qarankan aynu kab-kabaynay. Xukuumada waxaanu ugu baaqaynaa inay si degdeg ah xubnahan xuquuqdooda dib ugu soo celiso.

Waxaan kaloon halka ka cambaareynsynaa Falka Jidh-dil ka ah ee loo gaystey Xoghayihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Mudane A/fatah Siciid Aadan iyo Amb. Ahmed Safina oo ah u Qaybsanaha xisbiga waddani ee Dalalka Khaliijka. Falkani wuxuu ahaa Ficil Doqonimo, Fulaynimo iyo Aqoondaro Ciidankii Falkan geystay ku sifoobeen. Waxaanu ku baaqaynaa in Ciidamadii falkan geystey Talaabo Sharci laga Qaado. Waxaa xusid mudan in Xubnahani weli dhaawacyadii u jiifaan.

Dhaqanka iyo Falalka noocyadan ahi waxay damqayaan Boogo aanu doonaynay in dadku ka Bogsoodo, Balse Xukuumadan Kulmiye dib u soo noolaysay.

Xisbiga Waddani wuxuu Shacabka ugu baaqayaa inaynu u midowno sidii aynu Xukuumadan kulmiye isu-dhaafin lahay oo aysan dib inoogu soo noqon.

Afhayeenka Xisbiga Waddani
Qaarada Yurub
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso