Diiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dadweynaha Qaybtii Afaraad

DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYNAHA:  

Qaybtii 4-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse 

“Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaanaraga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka  Hortaga Dilaaga Dedan” 

KA HORTAGA CUDDURKA DAACUUN:  

Waxaa jira arrimo badan oo muhiim u ah ka hortaga cuddurka shuban biyoodka,kuwaasi oo ay tahay in laga hirgalinayo aagaga cuddurku ka dilaaco. Waa sidatan: 

* Cabitaanka biyo nadiif ah sida biyo sifaysan “Bottled water”, biyo karsan“Boiled water” iyo biyo daawaysan“Chemically treated water”.  

* Ka fagow cabitaanka biyaha baanbaddaha “Tap water” haddii aad ku nooshahay aag daacuur ka dilaacay iwm. 

* Ku maydh amma ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii ayna biyo oollin aagga aad joogto, fadlan isticmaal alcohol-ka gacmaha lagu nadiifsado. Fadlan nadiifi gacmahaaga ka hor iyo ka dib cunto cunida, marka aad cuntada diyaarinayso iyo ka dib jidh maydhashadaba. 

* Biyo nadiif ah ku maydh weelka cuntada laga cuno, sidoo kale cadayga u addeegso biyo nadiif ah sidda biyo sifaysan “Bottled water”, biyo karsan“Boiled water” iyo biyo daawaysan“Chemically treated water”.  

* Cun cuntada warshadaysan ee xidhan amma isticmaal cunto cusub oodiirran. Ha cunin cunto qaydhiin“caydhin” iyo hilib aan la karin, hanaisticmaalin khudradda diirka ka xoqan.  

* Ilaali nadaafada iyo bilicda deegaanka, oo isticmaal suuli si looga hortago wasakhowga deegaanka, biyaha iyo cuntada. 

DAWAYNTA & MAAREYNTA: 

Daaweyntu waxay ku xidhan kolba xaaladda bukaanku sida ay tahay, waxaanalagu daweeyaa qodobadan halkan ku xusan: 

* Dareere fuuq-celis ah oo afka iyo xididka laga qaato, oo bukaanka loogusameeyo fuuq-celin. 

* Daawooyinka kale waxaa ugu muhiim nooca lidka ku ah bakteeriyada“Antibiotics”, taasi oo yarayn karta muddada shubanka, islamarkaana ka hor tagi karta sii fiditaanka cuddurka. 

2 / 2

* Runtii maareynta iyo maamulka ugu wanaagsan ee loo sameyn karobukaanka cuddurkani asiibo.  waxaa ka mid ah in degdeg loola gaadhocisbitaal, si loo siiyo daaweynta fuuq-celinbta ah. 

Jamal A. Muse,   Kuala Lumpur. 

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm 

Advertisement

Ku Xayeysiiso