Daawo: Shirwaynaha Beesha Daauud Ismaaciil (Cidagale) ee UK ee ka qabsoomay London iyo Gudida Hogaanka Beesha oo Xilkii la kala wareegtay + Gudi Musdambeed oo la magacaabay

Togaherer(UK) Shirweynaha Beelaha Daa’uud Ismaaciil ( Ciidagale) ee UK 29/04/2017

Shirweyne ballaadhan oo ay isugu yimaadeen jaalaiyada beelaha Daa’uud ismaaciil (Ciidagale) ayaa ku qabsoomay caasimada carriga boqortooyada Ingiriiska ee London bisha 29/04/217.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen gudida, odayaasha aqoonyahanka iyo waxgaradka Daa’uud Ismaaciil(Ciidagale) ayaa Nuxurkiisu ahaa xilwareejinta gudidii hore ee muddo xileedkoodu dhamaanayo oo xilka hayay muddo 2 sanno ah iyo doorashada Gudida cusub ee majaraha u qaban doonta ka shaqeynta danaha , horumarinta iyo hagida qorshayaasha Qurbayoonta UK ee Beesh mudada 2da sanno ee fooda inagu soo haya sida ku xardhan sharciga guud ee kala danbeynta iyo midnimada jaaliyadda beesha ee Ingiriiska.

Waxa kale oo shirka aad loogaga Hadley arrimaha deegaanka beesha guud ahaan Degto , gaar ahaana dardargelinta kaabayaasha Bulsadda ee degmadda Ballimataan, degaanka Aw Barkhale iyo U kuul gelida xaaladda Waxbarasho ee degaanka Xaaxi ee gobo;ka Daadmadheedh, Xanuunada Shubanka ee deggan ka dhacay kor iyo  hoos ba iyo riiwda ay ka tegayso abbaartu degaaanka guud ahaan.

Waxa kale shirweynuhu isku raacay in cod fartaag ah  lagu doorto gudida cusub ee qurba jooga beeshu yeelan doonto iyadoo xubno kulanka ka maqnaana looga maarmi waayey in iyagoo maqan la magacaabo. Sidoo kale waxa goob ta lagu ansixiyey inla doorto guddi Musdanbeeda oo Kaabi doonta gudida cusub.

Macyadda Gudigii hore ee goobta joogtay ee xilka lagala wareegay

1. Deeq Abdi Digaale Ex. Gudoomiye

2. Fuad Shibiin Muhumed, Ex hayeen
3. Mustafe Abdillahi Ismail, ex. G. Ku Xigeen

Magacyadda Gudida cusub ee la doortay

1. Maxamed Yuusuf diir-qadhaadh – Gudoomiye

2. Faysal Jaamac Guuleed Haadaame- G/xigeen
3. Khaddar Maxamed Jaamac – Xoghaye
4. Foosi  X. Yuusuf Warsame – Khasnaji
5. Maxamed Xasan Carraale – Xubin
6. Shiine Jaamac koodbuur – xubin
7. Xuseen Maxamed Libaaxoo – xubin
8. Muuse Bootaan Abdi – xubin
9. Cabdi Yuusuf Miishaar – xubin
10. Maxamuud Xuseen Balayax -xubin

Gudida Mus-dan-beedka ah:-

1. Maxamed Xasan Jafal
2. Siciid Suldaan Cabdilqaadir Suldan
3. Abokor Maxamed
4. Deeq Cabdi Digaale
5. Xasan Macalin Osman
6. Sh. Ismaaciil Axmed Xaawa
7. Khader Aden Koodbuur
8. Abdi Gadiid

Qalinki Khaddar Maxamed Jaamac -Xoghaye

Advertisement

Ku Xayeysiiso