“Siyaasadda Lagama Qalin-Jebiyee Waa Laga Fadhiistaa, Markaad Ka Fadhiisatana La Taliye Iyo Oday Siyaasadeed Ayaa Lagu Danbeeyaa” Siyaasi Xinif

Hargaysa:(THN)-Siyaasigga Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif),ayaa markii ugu horaysay si dad badan uga jawaabay hadal uu Hogaamiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI warbaahinta Khamiistii ka sheegay,kaas oo nuxurkiisu ahaa inuu ka qallin-jabiyay Madarasaddii Siyaasadda ee Madaxweyne SIILAANYO,balse ragga wali ku hadhay ee Muuse Biixi ka midka yahay ay Fahmo-adkaaddeen,taas oo keentay inay Muddo Soddon sanno ah ag-joogaan.

Siyaasi Cabdikariim-Xinif,ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ag-joogay in ka baddan Labbaatan sanno,ilaa hadda aannu ka daallin inuu khibrad Siyaasaddeed ka korodhsaddo,isaga oo sheegay inuu ka midka ahaa raggii gacan-qabtay Wasiirro wakhtigu saaciday oo hadda Fagaare kaga baanay inay ka qallin-jabiyeen Madarasaddii Siyaasadda ee Madaxweyne SIILAANYO,sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu war-baahinta soo gaadhsiiyay,kaas oo u dhignaa sida tan;

“ Waxan dhegaystey rag faan ka dhiganaya inay madarasaddii siilaanyo ka qalin jebiyeen.

Siyaasadda lagama qalin jebiyee waa laga fadhiistaa, markaad ka fadhiisatana la taliye iyo oday siyaasadeed ayaa lagu danbeeyaa iskaba daa shan sannadood.

Saxaafaddana lagama qalin jebiyee waa laga fadhiistaa oo muxallilu siyaasi ayaa lagu danbeeyaa.

Axmed Siilaanyo waxaan ag joogey 21sannadood 1996-2017 welina kamaan qalin jebin maalin walba cashar baa iiga kordha, hadda ogow saaqidna ma ihi arday faham xunna ma ihi laakiin waanan isla bixin, isu bogin isla fagadh odhan ismana cajabin, weli waxaan isu haystaa qalin duurre siyaasadeed, waxan ku qanacsanahay inay joogaan kuwii tobanka sannadood ama shanta sannadood ama ka badan amaba ka yar iiga horreeyey oo aanan ku dherersan karin, waxaan aamin sanahay in ninka maalin iyo ka badan shay iiga horreeyey uu iiga waayo aragsan yahay.

Waxa anigu aan la yaabaa marka rag iska daa qolyaha iga waaweyne aan anigu ugu yaraan 10 toban sannadood siyaasadda uga horreeyey oo weliba qaarkood aan gacan qabasho ku leeyahay abaalna aan ku leeyahay oo weliba iga abaal dhacay oo aan xeerkaygii i marin, anoo taasna dib ka sheegi doona Wasiirro ha ahaadaan ama yay ahaannine oo waqtigu gacan qabtay ama nasibku caawiyey ay fagaarayaasha faan isla soo taagaan.

Waxay dhacdadani i xasuusisay inan yar oo suuqa suugaanta ama gabayada ku cusub oo isagana aan taagnaa maalintii tixdii ugu horraysey uu tiriyey markuu muddo yar kaddib yidhi aniga Gaarriye, Hadraawi iyo Xasan Ganey midna igama abwaansana way iga caansan yihiin ma imtixaan baa nalaga qaaday, waar yaa alla yaqaan oo islaam ah, kuwanina kaa iigama duwana. Shan beri sheekh laguma noqdo ayaannu idin leenahay.

Dadku wuxuu ku wanaagsanyahay kala danbaynta iyo wax isu quudhidda, haddii sidan lagu sii socdana hadal intaa ka badan ayaanu ka odhan doonaa”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso