Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii saddexaad (4-aad)”

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar  Qaybtii saddexaad (4-aad)”

 

Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21-aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxaana la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21-aad joogaa, wuxuu ku jawaabay “Ri dhoobo gashay baanay labaatan nin ka saari karin.”

Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac iyo eex ma eegi jirin,  laakiinse, maanta waxa aad arkaysaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudan tahay cuntada iyo eexdu murti-maahmaaheed ayaa tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.

Marka laga hadlaayo doodaha iyo erey-bixinta garta  marka la qaadaayo waxa ka mid ah, xadhig, xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah, Dooc iyo Dareen,  waxa kale oo dhaqamada garta ka mid ah, mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo iyo mar uu hojiye leeyahay.


Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo  loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug.

Duco:  waa hadalka ugu horeeya ee  lagu bilaabo garaha maadaama aynu nahay umad muslim ah,  ka dib, waxa la yidhaahdaa bisinka faataxadda inoo mara, waana la maraa, sidaa awgeed,  waxa la yidhaahdaa “ Faataxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.

Marka ay garanayaan labada qof ee ay wax ka dhexeeyaan muduciga (qofka wax tirsanaya)  iyo Mudaacale (qofka wax laga tirsanayo), waxa ku horeeya muduciga, waxaanu hadalkiisa ku bilaaba, (Islaam Allaay Erey wayga duco, Erey wayga didiif, Erey wayga dacwi, Ereyna wayga maluug”,  markaa erey waa iga duco, “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn, laakiinse, ragga muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’.

Didiif:  waa afeef, waxaana la odhan jiray  “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan iyo weedho kale oo la mid ah”, sidaa awgeedna, had iyo goor  marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, waxaana la odhan jiray i “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nacfi-jiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”,  waxa loola jeedaa Nacfi-jiid waa ninka wax la siiyo, Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (Abtiga loo yahay), Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa  “Saddex nin midna markaati iguma furo.”

Dacwi:  waa halka ay gartu u dhimato ee (Ugu muhimsan), Allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxaa, dacwiga waa habka loo sheegato waxa aad leedahay iyo sidii aad ugaga hor degi lahayd, waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, taasoo ay ka mid tahay, “Hadii uu odhan doono”  adigoo ku hadlaaya af-macaan, oo aan waxna dhimayn, waxna aan dhaafayn, isla-markaana ku daraaya talo iyo xirib.

Maluug: Waa wax kasta oo la tuhmo, laakiinse,  aanad cadayn loo hayn, tusaale ahaan,  ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, haddii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga.

Bal aynu eegno xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha dambe, sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaan, abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi, “Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay ruuxii gartow sheeg.”………….la soco

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso