Gabay la baxay Fajac Abwaan Cabdiraxmaan maxamuud (cabdiraxmaan xiiray)

Gabaygan magaciisu waa “FAJAC” wuxu soo baxay bishii 3 aad ee sanadka 2017, gabayguna wuxu ku socdaa hablaha fanaaniinta ahee markay heesayaan madax iyo laabtooda qaawiya waxaanu ku bilaammay sidan.

1. Hablayahaw fanaaniinta galay faraca soomaali

2. Haddaydaan maryaha faydin oo foodda sare qaawin

3. Ooydaan furfurin guudka oo timaha feeraarin

4. Fagaarahana laabtoo banaan fiirada u muujin

5. Miyaydaan fariimaha siddaan faafin garanaynin?

6. Maxaa idin fashilay ceebta waa laga fogaadaaye?

7. Ma fidnaa haweenkii ku tihiin fagay asluub-tooda?

8. Ma dhallaankii idin fiirsadaa jaas ku wada foogan?

9. Ma quluub fayoow baa rabtaan leelo inay fuusho?

10. Ma fasaadka dhaayaha dadkaan idinla hayn fawdo?

11. Ma foolxumada laga dhowrsadaa faan idiin notay?

12. Ma fariidnimaa moodasaan dhaqan fallaagowga?

13. Maku faraxsantiin towbadbaa idinku fiicnayde?

14. Ma ibliis farsamo miidhanaa idin faquuqaaya?

15. Ma faruur-xidhbuu sida ra’tiga filig idiin soohay?

16. Ma xadhkaha furtuu idunku yidhi waa fasaxantiine?

17. Ma malaa’ig baan waxa fashaan fayl ku qorahaynin?

18. Ma xabaal la kala faadhay baan laydin figi doonin?

19. Ma idinkoo fidigay waa horuu faafi camalkiinu?

20. Ma suurtaanu foodhida tumayn malaggii loo fayshay?

21. Ma waydaan kasoo foodhacayn ciidda idin fuushan?

22. Ma fagaarahaydaan tagayn waaxid faral yeelay?

23. Ma cadceed finiin noqotay-baan foodda iman doonin?

24. Ma xisaab la faahfaahiyaa idinkusoo fool-leh?

25. Ma idinkaa qiraa’ada ku filan oo fasilan doona?

26. Ma fulaan xantii moogganayn lagaga faalooday?

27. Ma waxaa fasheen-baa ogtiin idinna feedhiina?

28. Intii tawbaddoo furan iskiin ugu falaagoowda

29. Faraj uu ilaahay idiin fidiyo mooyaane

30. Ma jannaydun fili howl yaraan looga firiqsiiyo?

31. Waxba yaan su’aalaha furfurin maanku faaqidaye

32. Ama foofka tiigaasha dheer raacin fooraha’e

33. Talo inan ku fiiqaan rabaa faraha goobaab’e

34. Fanaaniinta nool waxan gabdhaha faray garaadkayga

35. Fudayd maaha waanada gashaa gabay fallaadhiiye

36. Ku qaabila dareen feejig iyo fiiro laban-laaba

37. Faduulna u arkoo waxan sidii fiinta ugu ooyay

38. Oon anigu aad uga fikiray waayay fahan kiina

39. Faa’ido waxaan idin tarayn laguna foosaynin!

40. Bal maxaydun ugu foogantiin faashil-nimadiisa?

41. Ma waxaa tiin duul la falay waan fajacayaaye!?

42. Ordoo waxa ku faraxdaan tabcada foqorku ciishooye

43. Oo foodadii iyo xijaab fiican wada qaata

44. Oo faralka eebiyo sunnada foodda ku adkeeya

Cabdiraxmaan maxamuud (cabdiraxmaan xiiray)

Advertisement

Ku Xayeysiiso