Daawo Sawiro:  Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka UK oo Kulankii Ugu Balaadh-naa  Ku Soo Dhaweysay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga Somaliland.

 

Jaaliyadda Somaliland ku dhaqan Dalka Ingiriiska gaar ahaana Magaalada London iyo nawaaxigeedda ayaa Habeenimadii Xalay oo ay Taariikhdu ahayd 28/04/2017, qabtay munaasib aad u Balaadhan . Isla-markaana ka dhacday Hotel Savannah ee Galbeedka Magaalada London, Waxaa ka soo qayb galay Badiba Jaaliyada kala degan guud ahaan Gobolada dalka Uk, kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano, Odayaal iyo Dhalinyaro.ba. Muhiimad gaara ayey lahayd in ay soo dhaweyaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo hawlo shaqo u jooga Dalka Ingiriiska. dadweynaha faraha badan ee xalay ka qayb galay xafladda lagu soo dhaweeynayay Wasiir Prof. Faratoon  ee ka dhacday London, ayaa dhamaantood waxaa ka muuqanayey Taageerada ay u hayaan Madaxda Dowlada S/land.

Munaasibadan Balaadhan ee soo dhaweynta : Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland. ayaa ujeedadeedu waxay ahayd sida ay jaaliyaddu uga wareysan lahayd. Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga S/land  Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) , Xaaladda Dalka Iyo Horumarka ay Xukuumadda Somaliland gaadhay. Dhinaca kalena waxay ahayd Casho sharaf lagu maamuusaayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha  Iyo Amniga Jamhuuriyada Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maalmahanba ku sugnaa Magaalada London.

Xubno ka midda Jaaliyadda Somaliland oo halkaa ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Wasiirka ayaa  aad u amaanay Xukuumadda Madaxweyne  Md. Axmed Siilaanyo Horumarka  iyo Dadaaladda ay ka shaqeynayso. Waxaanay Madaxda Dowladda ugu baqeen. inay kordhiyaan dadaalkoodda si Guul loo gaadho.

Ugu danbeyntii :  Waxaa Xafladda soo Afmeeray : Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Waxuuna aad ugu Mahad-celiyey soo dhaweynta ay u sameyeen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo Dar-dargelinta howlaha Dowladda.

Waxuu ka hadlay Wasiirku ; Xaaladda Abaaraha Dalka waxaa ka jiray . ayuu yidhi . Abaaro baahsanaa . kuwaasi oo sababay Baro-kac, iyagoo dadku uga  hayaameen waxii awoodi karaayey Degaano fog-fog , isla-markaana meelkasta jidadka hareerahooda waxa yaalla  Xoolo dhintay . Waxaana  meelaha qaar looga tagay ayuu Yidhi Wasiir Faratoon . dadka intii jilicsanayd sida caruur iyo dumar . iyadoo ay jirtay Biyo la’aan daran  . ayna khatar ku jireen Nolosha Dadka iyo Duunyaduba . Waxaanan Ilaahay ugu mahad celinayaa Raxmaadkii uu inoo shubay ee umaddiisii ku baahi baxday .

Wasiirka ayaa aad ugu dheeraaday Hawlaha Amniga iyo Waxqabadka Wasaaradiisa  Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL . oo uu sheegay inay tahay Wasaaradd Halbowle u ah Qaranka. Waxuuna sheegay inay wax-badan ka qabteen. Amniga Dalka Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa uu ka digay. In la Siyaasadeeyo Dagaalka had iyo jeer Bulshadeena ka dhex-dhaca. kaasi Horseedi kara. Hurinta Dagaal dhiig badan ku daata,  islamarkaana ay dhibaato ka soo gaadho Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan meelahaasi ay colaaddu ka dhacaan. Waxa uu sheegay in dawladda Somaliland.

” Xukuumadda markasta Masuuliyad ayaa Saaran, waa inay Nabad Raadiso, Dawladda Somaliland  dul ayey leedahay  ayaa la yidhaahdaa, waana inay Nabadda Baadi-doontaa. Wuxuuna Cadeeyay: “Waa inaan rajada shacabka ay u hayaan Dowladda Somaliland ka dhabeynaa, Anagga Ayaa Tusnay Wax-Qabad dhab ah, si looga dhabeeyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan Dowladooda”.

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga ayuu sheegay in looga fadhiyo . Xilli kasta : Dardargelinta Amniga, Nabadeynta iyo Xasilinta Dalka Somaliland. Si Muwaadin Walba uu ugu Noolaado , Si Nabad ah . si uu uga qeyb-qaato Dardargelinta Horumarka Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa noqonaya . Wasiirkii ugu horeeyay ee Booqosho ku  yimaadda Dalka Ingiriiska ee inta uu soo hor-fadhiisto Jaaliyadda  Somaliland ee Uk . Su.aalo toos ah la weydiiyo . Isaga oo qof waliba  si toosa su’ashiisa  uu isagu u waydiinayo. Taasi oo dadkii soo jidatay sida hufan ee uu dhamaan uga jawabay Su.aalahii la waydiyiey iyo in waliba uu Bulshaddii ka soo qayb gashay ee goobaha kala duwan  ka timi uga  Haqab-tiro . Taasi oo wax badan ka badashay Jaaliyada Somaliland oo Beryahan ku mashquulsanayd Siyaasad As-qeysan .Isla-ahaantaa  iyaga oo aad u faraxsan kala noqday Niyad Wanaagsan.

Inkastoo oo ay dad fara-badan ka hadleen Xaflada . hadana waxaa ay inta badan ka sinaayeen in loo baahan yahay sidii ay Ummada Somaliland uga wada shaqeyn lahayd Midnimada iyo Wada-jirka Qaranka Somaliland . taasi oo ah mida kaliya ee lagu heli karo Horumar iyo Midnimo Buuxda

Munaasibadan loo sameeyey Wasiirka ayaa ahayd mid si heersare ah loo soo abaabulay. Geba-gabadii ayaa waxay ku soo dhamatay si aad u qurxoon oo aan loo kala hadhin

 

Adan Yusuf Elmi

 London / Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso