“Nin waliba miduu caashaaq wa Canbarro Boode”,”Timaheed cadeecad bay cajabso Cirrada ma yaqaano caashaqo”.

Wa sheeko dhab ah Soomalidu ay se cajabi doonto. Reer galbeedka amba Yuribiyanka jalaba rag iyo dumarka is qaba wax inta badan da’a weyn haweenka laakin dhacadadani Waa mid xataa iyaga ka waraarisay. Sida saadaasho u badanyso waxa dhici karta in Nin 39 jir ahi uu noqdo madaxweynaha dalka France/Fransiiska.

Maxaad se ka taqan noloshiisa khaas ka ah iyo taariikh nololeedkiisa, marwadiisu/xaaskiisu waa 64 sano jir. ,wax intaas u dheer waxay u ahaan jirtay macalimadiisa 25 sano ka hor, waliba waxay isku fasal ahayaan gabadh ay dhashay(class mates), qof kasta iyo cid waliba waxay u haysatay in uu la saaxiib yahay inanteeda xataa aabihii iyo hooyaddii amba waalidkiisu, dabacan way qaldanaayeen dhammantooba. inanta muu jaclayn ee wuxu dookhisu jaclaa macalimadiisa oo markaa oori u ahayd nin kale lehna 3 caruur ah,isagu waqtigaas wuxuu aha 15 jir, Markunoqday 17 sano jir ayuu naftiisa wacad u maray amba balan ugu qaaday in uu guursado macalimadiisa iyada cimirgaado yahay 42 jir, wuxu riyaddii rumooday 2007 oo uu la aqal galay isaga oo ah 30 sano jir iyana 55 sano jir.

 

Bisha soo socata ee Juun waxa loo dooran doonaa kursiga madaxweynaha dalka France iyada oo ay 6 bilood uga hadhsantahay 40 sano jir, Marwadiisa uu jacal yahay waxay leedahay 3 dad waaweyn ah iyo 7 caruur ah oo ay u tahay ayeeyo. Waxa xusid mudan in inaankeeda curad uu laba 2 sano ka wanyahay isaga inaantii ay isku fasalka ahaayeena ay isku fil yihiin…magaciisu wa : Emmanuel Macron..

Waxaa Tarjumalay Warkan

M.diirqadhaadh

Advertisement

Ku Xayeysiiso