XILKU WAA MEERTO LAAKIN WAXAAN HABOONAYN XURMO DARADA.

Bahda saxaafada & shacbiga S/labdba waxaan ku salaamayaa salaanta Islaamka ASCW.Intaa ka dib waxaan saxaafada ku arkay xil ka  qaadis  lagu sameeyay hogaankii Booliska S/land oo ah nin khibrad badan u leh shaqada Booliska in badana ka soo shaqaynayay xilal kala duwan ka soo qabtay Qaranka sarkaal sare Maxamuud Ducaale Cali .Hadaba waxa is waydiin leh maxaa sababay xil ka qaadista Mudane Maxamuud Ducaale Cali dawlda kulmuye waxay ku eedaysay in waxba ka qaban waayay mawjadihii dadka ee ka hor yimi ama soo dhawaynayay wafdigii uu hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Dr.C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo loo soo dhawaynayay si heersare.sidaa darteed waxa muuqata in xisbigii Kulmiye si aan gabasho lahayn ugu caga juglaynayo shacbigii S/land ka dib markii ay ogaadeen in ay lumiyeen kalsoonidii ay ka hasyteen shacbiga somaaliland oo si aan kala hadh lahayn u doirtay xukuumada Xisbiga Kulmiye. Cabudhinta saxaafada,xidhxidhka dadka aan waxba galabsan, madaxda lagu eedaynayo Xisbiga Waddani waxaas oo dhami waa calaamadaha Xukuumada wakhtigeedu dhamaaday. Hadalka waxaan ku so afmeerayaa in xukuumada Kulmiye ka waynaato arimaha aan kor ku soo xusay oo dhan sharciga & haykalka dawladnimona aanay inaga burburin.

Mustafa Ismail  Kanandi
London-Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso