Maxaa ka soo baxay Kulankii ay Yeesheen Reer WADDANI Ee Lagu Gorfeeyey Siddii Gurmad Looggu Fidin Lahaa Dadka Abaarahu Saameeyeen

Hargeysa(THN):-Kulan-weyne ay iskugu yimaadeen madaxda xisbiga WADDANI oo lagu gorfeynaayey xaaladda dalka, gaar ahaan siddii gurmad deg-dag ah looggu fidin lahaa dadka abaarahu saameeyeen iyo dadka ay haleeleen xanuunada ka dilaacay abaaraha ee deegaanada Buuhoodle iyo weli ba sida oo kale siddii xisbiga WADDANI uu uga qeyb-qaadan lahaa wacyi-gelinta dadka ee qaadashada kaadhka codbixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filaayo in ay dhacdo daba-yaaqada sannadkan aynu ku jirno ee 2017ka.

Kulan-weynahan oo ka mid ah kulano caadi ah oo si toddobaadle ah ay u yeeshaan Madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali X.Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo weli ba sida oo kale hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo weli ba sida oo kale madax tiro badan oo ka tirsan Xisbigaasi.

Kulankan oo socday muddo saacado ah isla mar ahaantaana ay dibad-joog ka ahayd saxaafaddu, ayaa madaxda Xisbiga WADDANI ay iska xog-waraysteen xaaladda dalku maraayo, iyaga oo tilmaamay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay siddii dalka loogga badbaadin lahaa hoggaan xumo uu ku dhaco iyaga oo muujiyey sida ay uga xun yihiin xaaladda uu dalku maraayo gaar ahaan gurmad la’aanta ay xukuumaddu ka gaabisay in ay u fidiso dadka abaarahu saameeyeen ee deegaanada bariga Somaliland iyo weli ba sida oo kale in aanay illaa hada wax gargaaro ah oo caafimaad aanay gaadhsiinin deegaanada ay xanuunadu ka dilaaceen ee Buuhoodle iyo meelo ka mid ah bariga Somaliland ba.

Dhanka kale, waxa kulankan la isla qaatay siddii xisbiga WADDANI uu mar kale gurmad ugu fidin lahaa dadkaas ay abaarahu haleeleen ee deegaanada bariga iyo weli ba sida oo kale meelaha ay ka dilaaceen xanuunada shubanka ee ay sababeen abaarahu iyaga oo sida oo kale na isla qaatay siddii ay ka xisbi ahaan shacabka Somaliland ay ugu wacyi-gelin lahaayeen qaadashada kaadhka codbixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland oo dhawaan laga bilaayo goballada Awdal iyo Saaxil.

Advertisement

Ku Xayeysiiso