Sadaqo Yar oo uu Bixiyey ayaa Ka Badbaadisay Geeri uu Qarka u Saarnaa !

Sadaqo Yar oo uu Bixiyey ayaa Ka Badbaadisay Geeri uu Qarka u Saarnaa !

Waxaan ahaa bare sare oo haysta shahaadada Doctorate   oo wax ka dhiga qaar ka mida jaamacadaha wadanka Masar, waxaa ila soo darsay xanuun adag.

Waxaan safar caafimaad ugu kicitimay  wadamada reer galbeedka gaar ahaan wadanka ingiriiska, shaybaadh kaddib waxaa la ii sheegay in xanuunkaygu aad u halis yahay, xanuunkayguna yahay wadne-xanuun loona baahan yahay in aan galo qaliin halisa, lagana yaabo in aan qalinkaasi u dhinto iyo in aan ka badbaada-ba (50/50).

Waxaan dhakhtarkii ka dalbaday in aan ku noqdo carruurtaydii iyo asaxaabtaydii una soo diyaar-garoobo qaliinka, wuu iga aqbalay, waxaanu ii sheegay in aan dhakhso u soo noqdo xaaladayda oo liidata awgeed.

Kaddib markii aan ku noqday wadankaygii, waxaan la fadhiistay carruurtaydii, waxaan bilaabay in aan carruurtayda samir-siiyo sababto ah waxaa laga yaaba in aanan mar labaad ku soo noqon.

Waxaan soo nabadgaliyeeyey cid walba oo aan awoodayay, waxaan u soo diyaar-garoobay la kulan-ka Allah swt.

Waxaan maalin maalmaha ka mid ah meel xafiis ah ugu tagay mid ka mida asaxaabtayda si aan u soo nabadgaliyeeyo, waxaa meel xafiiska u dhow ku yaal hilible, waxaan eegay aniga oo fadhiya xafiis-ka dhinacii hiliblaha, waxaa agtiisa joogta gabadh waayeel ah waxay gacanta ku sidataa kiish waxaanay ku guraysaa lafaha, qanjidhada iyo hilbaha dhulka ku daata. waxaan saaxiibkay u sheegay inuu iyara sugo waxaanan u tagay gabadhii waayeel-ka ahayd, waxaan ku idhi maxaad samaynaysa ?, waxay tidhi “walaalkayaw waxaan leeyahay shan hablood oo yar-yar, cid u gargaartaana ma jirto, sanad dhamaystiran hablahaygu in yar oo hilib ah-na may dhadhamin,

waxaan jeclaystay haddii aanay hilib cunayn inay urtiisa uun uriyaan”. waxaan la ooyay xaaladeeda, waxaan u galay hiliblihii waxaanan ku idhi “hebeloow gabadhani todobaad walba way kuu imanaysa hilib-baad siinaysa xisaabtuna waa xagayga” .

Waxay tidhi gabadhii “waxba ma doonayno”.

Waxaan ku idhi “Allah ayaan ku dhaartee todobaad walba waad imanaysaa waxaanad qaadanaysaa intaad doonto oo hilib ah”.

Waxay tidhi “uma baahnin wax ka badan hal kiiloo”.

Waxaan ku idhi “mayee laba kiiloo ayaad ka dhiganaysaa”.

Waxaan u qadimay hal sano lacagteed oo labadii kiiloo ee hilibka ahaa, gabadhii way timaadaa todobaad walba waxayna qaadataa laba kiiloo oo hilib ah. Waxaan ku noqday gurigaygii, waxaanan dareemay farxad camalkii wanaagsanaa ee aan sameeyey awgeed…markii aan guriga galay waxaa ii timid inantaydii waxaanay igu tidhi “aabooy wajigaagii wuu is-badalay, waxaad moodaa inaad faraxsantay..”. Markii aan uga sheekeeyey inantayda qisadii gabadha waxay bilawday inay oydo , waxay ahayd inantaydu mid caqli badan waxaanay tidhi “waxaan ilaahay swt ka baryayaa inuu kugu caafiyo gargaarka aad u gargaartay gabadhaas…”. Markii aan gabadha lacagta siinaayey, waxay qaadatay iyada oo ooyeysa iina ducaynaysa”. Waxaan dareemay firfircooni weyn iyo hami sareeya.

Waxaan ku laabtay wadankii Ingiriiska iyo dhakhtarkaygii si aan u galo qaliinkii i sugayay, markii aan dhakhtarkii la kulmay shaybaadh ayuu igu sameeyey qaliinka ka hor.  kaddib markii uu eegay natiijadii shaybaadhka ka soo baxday wuxuu igu yidhi isaga oo yaaban “xageed isku soo dawaysay?”.

waxaan ku idhi “maxaad u jeedaa?”. Dhakhtarkii wuxuu  i weydiiyey cida i soo dawaysay iyo cisbitaalka aan u tagay…waxa aanan ugu jawaabay “Allah baan ku dhaartee meelna maan tagin, carruurtaydii ayaan u tagay oo aan soo nabadgaliyeeyey kaddib na waan soo noqday”.

“taasi sax maaha, wadnahaaga wax xanuun ah ma leh” ayuu yidhi dhakhtarkii.

Waxaan ku idhi “maxaad tidhi dhakhtar ?”… wuxuu iigu jawaabay wadnahaagu waligiiba muu xanuunsan markaa waa laba mid uun amma ninkii ma tihid amma dhakhtar kale ayaad u tagtay oo ku soo daweeyey ee waxaan kaa codsanayaa inaad ii sheegto dawada aad qaadatay!!!”.

Waxaan ku idhi dhakhtarkaygii “ilaah baan ku dhaartee wax dawo ah maan qaadan ilaa ducadii gabadh waayeel ah iyo inantayda saalixada ah mooyaanee”.

Qisadan iyo qisooyinka la mid ka ahi waxay daliil cad u yihiin xadiiskii Nabi Muxammad csw ee ahaa “Sadaqada ku daweeya kuwiina xanuunsanaya”. Waxaa kale oo uu tusaale fiican u yahay qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in qofku dar ilaahay wax u sadaqadayso oo wax ula baxo. Weliba maanta waxaynu joognaa wakhti sadaqadu ka fadli badan tahay wakhtiyada kale ee la bixiyo oo umadda ay ku habsadeen abaaro, gaajo iyo harraad, dad badanina u baahan yihiin cid wax tarta oo caawisa. Waa fursad dahabiya oo uu maanta haysto mid walba oo ilaahay maal siiyey mid xanuunsanaya iyo mid caafimaad qaba-ba oo uu wax ka bixin karo waxa ilaahay siiyey.

Ilaahay-na swt wuxuu qur’aanka inoogu sheegay in aynu wax ka bixino waxa uu inagu arsaaqay inta aanay geeridu inagu iman ka hor, si aynaan hadhow uga qoomamayn una tamaniyin in geerida la inoo yara dib-dhigo si aynu wax u sadaqadaysano, dadka wan-wanaagsanna uga mid noqono iyo in aan nafna dib loo dhigayn haddii ajasheedu timaado.

FG: Qisadan iyo qisooyin kale oo badan oo waano iyo cibro-ba ku sugan tahay waxaad ka heli kartaa Barnaamij-ka la yidhaahdo ‘Rawaa’icul Qisas’ ee uu leeyahay Sh. Dr. Nabiil Al-cawadi.

W/Q: Axmed Jaamac Ismaaciil

Hargeysa, Soomaalilaan

25- 04 – 2017

Advertisement

Ku Xayeysiiso