Xisbiga UCID Finland oo xaflad taageero ah lagu soo dhaweeyey Xubno u soo Digo Rogtay UCID

Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Xaflad Aan Nooceeda Hore Loo Arag Ku Soo Dhaweeyay Nasuuliyiin Iyo Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ka Soo Diga Rogtay Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani.

Xafladda ayaa sidoo kale lagu maamuusay guddida cusub ee dhawaan loo magacaabay laanta Finland ee uu gudoomiyaha ka yahay Mudane Mustafe Maxamed Cali Taajir.

Xafladan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhanka kale marti isugu jirtay madaxda xisbiyada Somaliland,Xildhibaano ku soo baxay doorashooyinkii Finland iyo weli odayaasha iyo madaxda jaaliyada Somaliland ee Finland.

Khudbado badan oo dareen wata ayaa waxa isaga dambeeyay madaxda Ucid Finland iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii ku soo biiray.

Gudoomiye Mustafe Taajir ayaa gunaanadkii xafladan ka jeediyey khudbad gilgishay dareenkii dadka ka soo qeyb galay munaasabadan, isagoo ku nuux nuuxsaday sida dalka Somaliland uu maanta ugu baahan yahay bedbaado, isla markaana hoosta ka xariiqay in Xisbiga Ucid yahay ka keli ah ee maanta bulshada Somaliland isku aamini karto.

Xildhibaan Faysal Yusuf Cabdi oo ka mid golaha deegaanka ee magaalada Vantaa ayaa xisbiga Ucid ku tilmaamay inuu yahay gurmadkii Somaliland ay u baahneed.

Guud ahaan xafladan ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqay,isla markaana xisbiga UCID ku muujiyey cudud iyo taageero aan la dhayalsan karin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso